Cunnada kumanaan sano ka hor la cuni jiray miyey ka caafimaad badan tahay tan hadda?

0
268

In wax loo cuno sida dadkii hore ayaa caan ka dhex ah dadka doonaya inay miisaankooda dhimaaan iyo kuwa doonaya inay u cunaan sida wax loo cuni jiray inta aan adeegsiga birta la baran ama xilligii dhagaxa wax lagu goyn jiray oo ah kumannaan sano ka hor, waayo waxay aaminsan yihiin inay sidaasi ka caafimaad badan tahay sida hadda wax loo cuno.

Cuntooyinkan ayaa la sheegay inay leeyihiin faa’iidooyin badan sida caafimaadka maqaarka, xoojinta nidaamka difaaca jidhka, xallinta dhibaatooyinka dheef shiidka iyo sidoo kale, in ay kaa caawiso dhimista miisaankaaga.

XIGASHADA SAWIRKA,HERMAN PONTZER

Balse …. sidee loo cunayaa qaab cunteedkan loo yaqaan (Paleolithic)? Cuntooyinkan ayaa waxaa ka mid ah miraha, khudaarta, hilibka jiidhka ah, kalluun, ukunta, lowska iyo iniinyo.

Cuntooyinkan ayaa la sheegay inay yihiin kuwii aadmigu cuni jiray xilligii ugaarsiga ee aan la baran beerashada iyo deegaamaynta.

Ka bood Twitter boggan

Qoraalka Muuqaalka,Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka Twitter boggan

“Waxaa jira khaladaad badan oo laga aaminsan yahay waxa ay dadka cuni jireen waagii hore” ayuu yiri Pontzer mar uu u warramaya BBC-da laanta afka Mundo. “Male ayey ku salaysan tahay fikirka ah ina dadku waagii hore ay cuni jireen cunto dabiici ah oo kali ah.” Ayaga oo si toos ah ula shaqaynaya ayey cilmi-baarayaashu u fiirsadeen oo ay cabbireen waxa ay cunayaan ugaadhsatadu.

Dadka Hadzabes ee Tanzania

Pontzer wuxuu aaday Tanzania si uu daraaseeyo ulana noolaado dadka Hadzabes, oo ah bulsho ugaadhsato ah oo lagu qiyaasay inay u nool yihiin sida ugu dhow ee dadkii hore u noolaayeen.

Baddalka beerashada ama dhaqashada xoolaha, dadka Hadzabes waxay ku nool yihiin waxa ay helaan inta ay socdaan ee ugaadhsi ama dhir ah.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Si fiican ayuu u bartay Pontzer, oo tobankii sano ee lasoo dhaafay ku bixiyey daraasaynta dadkan ee caafimaadkooda iyo qaab-dhismeedkooda. Waxay socdaan ilaa 10 kiiloomitir maalinkii, ayagoo ugaadhsanaya duur-joogta, malab jabsanaya, xididdo qodanaya, mira guranaya, ama biyo iyo xaabo wata.

Kadib markii uu darsay xogta bulshadan laga aruuriyey iyo bulshooyin kale oo caalamka ku kala nool, cilmi-baarahani wuxuu sheegay in aanay jirin wax la yiraahdo ‘paleo diet’, oo ay dadka qaar aaminsan yihiin inay tahay noocyada cuntada ee dadkii hore cuni jireen, wuxuu sababta ku sheegay in ugaadhsatadu ay heli jireen nafaqooyin aad ubadan oo kala duwan, iyada oo ku xiran cimilada, xiliga iyo xaalada kale oo badan.

Inkastoo ay run tahay in cunnada duurka ee khudaarta sida xididka, iyo miraha ay leeyihiin kalooriyad, cusbo iyo baruur yar, haddana si lamid ah waa run in badanaa cuntooyinka dadkan la daraaseeyay aanay ku yarayn baruurta iyo karbohaydaraytyada sida ay ku doodayaan dadka aaminsan qaabka nafaqada ee Paleo loo yaqaan. Pontzer ayaa sheegay in ugaadhsatadu ay cuni jireen cunnooyin ay ku badany ihiin karbohaydaraytyada, macaanka, khudaarta xididka, malab iyo waliba hadhuudh, arrintan oo ka hor imaanaysa fikirka laga qabo sida ay wax u cuni jireen dadkan ugaadhsatada ahi.

Waxaa jira xogo la aruuriyey dhowr boqol oo sano ka hor kuwaasoo ay ku jiraan caddaymo muujinaya waxyaabaha ay cini jireen dadkani. Xogta sida ku cad ma jirin hal qaab nafaqo oo si gaar ah dadku u cuni jireen,” Sida caadiga ah dadkii hore waxay cuni jireen cuntooyin ka kooban dhir iyo xayawaan, balse aad u kala duwan.”

Maxaan u cayilannahay marka nala barbardhigo dadkii hore?

”Su’aasha ugu wayni waa tan” ayuu yiri cilmi baaruhu.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Waxaa jira sababo badan. Mid ka mid ahi waa inaan cunno cuntooyin badan oo warshadaysan, ayuu ku sharraxay.

Waxaa kamid ah sababaha inaan cunno cuntooyin laga saaray borotiinka iyo faybarka, lagu daray sonkor iyo saliid, dhadhan macmal ah iyo waxyaabo kale.

Jidhkeennu wuxuu u diyaarsan yahay cuntooyinka fud fudud, balse cuntooy inka lagu gado dukaamada si toos ah ugama iman dhirta, dhulka amaba ugaadhsi.

Haddaba markii dhankaas laga eego, ma fududo in cunto caafimaad la cuno.

‘’Waxan isku dayaa inaan iska ilaaliyo cuntooyinka aadka loo warshadeeyay, balse kaamil ama ah imana raaco nooc cunto oo gaar ah,” ayuu yiri Pontzer.

‘’Sida qaar badan oo dadka ka mid ah anigaba mararka qaar ayaan iska celinwaayaa inaan cuno cuntada la warshadeeyay oo macaan.’’

 

Faa’iidooyinka laga helo cunista Caloosha

Caloosha ayaa inta badan la jar jaraa, waxay dadka inta badan isticmaalaan midda .

Bulshooyinka qaar ee adduunka ayaa muddo dheer u adeegsanayay caloosha. Waxaana laga helaa maqaayadaha ku yaalla Asia, Afrika, qeybo kamid ah Amerika iyo Yurub.

Waxaana laga helaa faa’iidooyin badan oo caafimaad marka loo barbardhigo hilibka kale ee caadiga ah.

Waxaa la cabaa fuudka calooleyda, dadka qaar waxy shiilaan calooleyda oo ay dhadhan u yeelaan.

Caafimaad ahaan, calooleyda waxaa laga helaa faa’iido badan oo isugu jiro borotiin iyo nafaqooyin kale oo muhiim u ah caafimaadka.

Faa’iidooyinka laga helo caloosha

Calooleyda waxaa laga helaa fitamiinno iyo macdan kale oo muhiim u ah jirkeenna, marka la cuno calooleyda waxaa laga helaa waxyaabo u wanaagsan caafimaadkeenna, sida ay ku warrameyso warbaahinta Webmd.com oo ka faallooda arrimaha caafimaadka.

Waxay ka hortagaa dhiig yarida

Calooleyda waxaa si aad ah ugu badan fiitaamiin B12, taas oo ka hortagta dhiig yarida gaar ahaan qofka la daala dhacaya dhiig yarida ee socon karin.

Waxay caawisaa dhismaha lafaha iyo murqaha

Calooleyda waxaa laga helaa borotiin, borotiinka wuxuu qofka ka caawinayaa inay dhismaan murqaha iyo lafaha.

Calooleyda waxaa laga helaa dhammaan 9-ka maaddo ee loo yaqaanno amni acids ee uu u baahan yahay jirkeenna si uu u shaqeeyo, sida ay ku warrameyso barta Healthline.com oo ka faalloota arrimaha caafimaadka.

Waxaa ka buuxaa macdan iyo fitamiinno

Calooleyda waxaa ku jiraa maaddooyinka ay ka mid yihiin, Zinc, Selenium iyo calcium.

Macdanta Zinc waxay dadka ka caawisaa unugyada, shaqooyinka uu qabto difaaca jirka iyo in jirka uu shiido cuntooyinka laga helo carbohydrate.

Macdanta Selenium waxay qofka ka caawisaa hagaajinta hiddesidaha, caafimaadka qumanka.

Miisaan dhimista

Qaadashada cuntooyinka ay ku badan yihiin borotiinka waxay qofka ka caawiyaan maamulka cunto qaadashada iyo miisaan dhimista.

Calooleyda waxaa ku yar maaddada Calories marka loo barbardhigo cuntooyinka kale, qaadashada cuntooyinka uu ku badan yahay borotiinka waxay qofka ka caawiyaan in uu dhimo miisaanka isla markaana waxaa hoos u dhacaya heerka cunta qaadashada, sida uu ku warramayo website-ka Healthline.com

Halista calooleyda

Calooleyda waxaa ku badan kolestaroolka marka loo barbardhigo hilibka kale, dadka qaar ee qaba kolestaroolka ayaa laga yaaba inay siyaabo kala duwan ay u saameyso

 

 

Leave a Reply