Guddida Nabadgelyada Gobolka Selel oo kulan isugu yimid.

0
212

Hargeysa (Dawan):- Guddida nabadgelyada ee gobolka Selel ayaa kulan is xogwareysi ah oo ku saabsan arrimaha nabadgelyada, dhaqaalaha iyo xoojinta xidhiidhka gobollada soohdinta ah la leeyahay gobolkaasi ku yeeshay xafiiska guddoomiyaha gobolka Selel.

Kulankaas oo uu shir guddoomiyay guddoomiyaha gobolka Selel Mowliid Maxamed Nuur, ahna guddoomiyaha guddida nabadgelyada, waxa ka soo qayb galay taliyaha ciidanka milateriga ee Saldhiga koobaad Jeneral Yuusuf Iimaan Diiriye, taliyaha booliska qaybta gobolka Selel gaashaanle dhexe Maxamed Xandule Faarax, taliyaha ciidanka ilaalada iyo difaaca xeebaha ee gobolka Selel, gaashaanle sare Cumar Caadil Qalinle, taliyaha ciidanka laanta socdaalka ee gobolka Selel gaashaanle dhexe Axmed Caqli Nuur, maayer ku xigeenka degmada Saylac Daahir Barkhad Cali iyo xoghayaha dawladda hoose ee degmada Saylac Cilmi Sheekh Sahal Faarax iyo masuuliyiin kale.

Kulankaas,ayaa intii uu socday lagaga wada hadlay xoojinta nabadgelyada iyo arrimaha dhaqan dhaqaale ee gobolka Selel iyo sidii loo xoojin lahaa arrimaha amniga iyo xuduudaha.

Leave a Reply