Urur Siyaasadeedka Shacabka oo soo Dhaweeyay Wareegto Madaxweynuhu soo saaray

0
172

Hargeysa (Dawan):-Urur Siyaasadeedka Shacabka Somaliland ee  SPP ayaa soo dhaweeyay wareegtadii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku meel mariyay in Diwaaangalinta Codbixiyeyaasha dalka laga bilaabo guud ahaan dalka  28 Bishan

Guddoomiye ku Xigeenka koobaad ee  Urur Siyaasadeedka Shacabka Somaliland ee  SPP Maxamed Maxamuud Timo ayaa  ugu baaqay guud ahaan Shacabka Somaliland iyo taageerayasha Urur Siyaasadeedka  SPP
in ay qaataan kaadhka Diwaaangalinta Codbixiyeyaasha,

Maxamed Maxamuud Timo ayaa sidaa ku sheegay qoraal uu soo saaray oo u dhignaa Sidan.

“Waxaan soo dhawaynayaa diwaangalinta codbixiyeyaasha ee 28/12/2022 ka bilaabmi doonta dalka  ee Madaxwaynuhu ku soo saaray wareegtada ku taariikhaysan 11-12-2022.

Waxaan guud ahaan Shacabka reer Somaliland ee aan haysan kaadhka cod bixinta in ugu baaqayaa inay isdiwaan geliyaan oo ay qaataan kaadhka codbixinta si ay masiirkooda siyaasiga ah iyo xuquuqdooda dastuuriga ahba u gutaan.

Waxaan si gaar ah ugu baaqayaa dhamaan taageerayaasha Ururka Shacabka Somaliland (SPP) inay u diyaar garoobaan diwaangalinta soo socota ee bilaabi doonta 28/12/2022
Waxaan taageerayaasha ururka Shacabka Somaliland iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ka codsanaynaa inay ilaaliyaan nabad gelyada iyo danta caamka ahba una diyaar garoobaan diwaangalinta.

Ugu danbayn waxaan halkan uga mohadcelinaya taageerayaasha ururka Shacabka Somaliland SPP oo runtii sababay inaanu ka mid noqono Ururada u tartamaya Xisbiyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.”

 

 

 

 

 

Leave a Reply