Hargeysa:Wiil Mooto ku Shaqeeya oo Shil Gaadhi ku Geeriyooday

0
184

Hargeysa (Dawan):-ALLE ha u naxariistee waxaa shil gaadhi ku geeriyooday wiil dhallinyaro ah oo ka mid ah dhallinyarada ku shaqaysta Mootooyinka ee alaabada qaada ka dib markii uu gaadhi ku jiidhay Hargeysa.

Marxuumka geeriyooday oo lagu magacaabi jiray Khaalid Xuseen Yamani,ayaa ka mid ahaa dhallinyarada shaqo abuurka ka sameeyay mootooyinka isla markaana nolol maalmeedka qoyskooda ka soo saari jiray Mootada.

 

ALLE ha u naxariistee Khaalid ayaa ahaa wiil agoon ah oo dhawaanna guursaday waxaanu nolosha qoyskiisa iyo ka ayaydii oo soo korisay ka soo saari jiray Mootada uu shalay gaadhigu ku jiidhay.

 

 

Leave a Reply