Madaxweynaha oo meesha ka saaray doorasho diidka Mucaaridku bulshada ku lumiyaan xukuumaddana ku eedeeyaan
Hargeysa(Dawan):- Madaxweynaha Jmahuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa Xeer Madaxweyne ku meel mariyay diiwaan gelinta cod-bixiyeyaasah doorashooyinka Somaliland.
Tallaabada Madaxweynaha Somaliland shalay ku meel mariyay diiwaan gelinta cod-bixiyeyaasha ayaa ah mid loo qaaday dhanka qabsoomidda doorashooyinka Somaliland isla markaana meesha ka saaraysa hadal tiradii mucaaridku bulshada ugu sheekayn jireen ee ahayd Xukuumaddu doorasho ma qabanayso.
Waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland muddeeyay in bishan gudaheeda ay dalka ka biaabanto diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland.
Xeerka Madaxweyne ee Madaxweynuhu ku meel mariyay diiwaan gelinta cod-bixiyeyaasha ayaa u dhignaa sidan.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay Lr. 18/122022 uu ku meel mariyey Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-
Xeer Madaxweyne Lr. 18/122022
Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobka 44aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Xeer Lr. 91/2020;
Markaan Helay: Qoraalka Soo-jeedinta ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK-6/019/2022, kuna taariikhaysan 07/12/2022, ujeeddadiisuna tahay, Ku-dhawaaqidda Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha;
Markaan Ku-qancay: Soo-jeedinta wakhtiga qabashada Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka;
Waxaan Go’aamiyey;
In Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinku ka-bilaabanto Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Arbacada ee taariikhdu tahay 28/12/2022..”
Muddaynta diiwaan gelinta cod-bixiyeyaasha ayaa ah tallaabao loo qaaday dhanka qabsoomidda doorashooyinka Somaliland oo muddo badan xisbiyada Mucaaridku ay ka been sheegayeen xukuumadda isla markaana bulshada ku majaro habaabinayeen in ay Xukuumadda ka been sheegaan oo ay yidhaahdaan doorasho ma qabanayso Xukuumaddu.
Ugu dambayn waxay xukuumaddu muddaysay maalinta ay dalka ka bilaabmayso diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka oo 28 ka bishan loo muddeeyay.