Madaxweynaha Somaliland oo Shir-guddoomiyay Shirka Guddida Fulinta KULMIYE

0
168

Hargeysa(Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muues Biixi Cabdi ahna guddoomiyaha xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE,ayaa shalay shir guddoomiyay shirka billaha ah ee guddida fulinta ee Xisbiga KULMIYE.

 

 

Shirka guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE,ayaa lagu lafa guray arrimaha doorashooyinka iyo u diyaar garawga doorashooyinka iyo wacyi glelinta diiwaan gelinta cod-bixiyeyaasha.

Waxaana shirka diirada lagu saaray sidii looga qayb qaadan lahaa wacyigelinta bulshada Somaliland ee diiwaan gelinta Codbixiyeyaasha doorashooyinka.

Waxaanu shirku ku soo dhammaaday isfaham lagu balamay in xisbiga KULMIYE ka qayb qaato ka shaqaynta nabadgelyada,wacyi gelimta diiwaan gelinta codbixiyeyaasha iyo u diyaar garawga doorashooyinka dalka kusoo fool leh.

 

 

Leave a Reply