Maxa Loo Shirqoola Aqoonyahanka Muslimka ah!

0
305

Waxay ahayd gabadh hami sare leh oo uu dhalatay Masar waa Drs.Samiira Muse  waxay lahayd aqoon balaadhan iyadoo ka mid ahayd kooxdii ugu horaysay ee ka qalinjebisa kulliyada Sayniska ee jaamacadda Qaahira. Waxay kale oo ay ku qaadatay shaahadada Masterka xidhiidhka gasaska kululaanaya. Markii danbena Waxay u safartay dalka Ingriiiska iyadoo ku qaadatay shaahaadada PHD  qalabka X-ray iyo wixii la xidhiidha.

Waxay baadhis ku samaysay nidaamka adeegisiga macdanaha fudud si looga sameeyo Qunbulo duiriye (Atomic energy) waayo waxay aaminsanayd in dawladaha oo dhami inay  helaan hubka halista taasi oo amaanka xoojinaysa iyo kala baqashada iyo weliba is xaq dhowrka waxayna dalalka Carabta la jeclayd inau ka mid ahaadaan quwadaha dunida ee haysta hubka lagu kala baqo.

Sanadkii 1948 ayay samaysay hay’ada Qunbula Duriyaha (Atomic Energy) laakiin  Sanadkii 1952 Jaamacadda St. Louis University, USA ayaa ku marti qaaday inay ka qayb qaadato cilmi baadhis markii danbena waxay ku soo noqotay dalkeeda Masar.

Shaybaadh Qunbull duriyaha oo ah ku yaalla California Maraykanka kaasi oo ka qayb gashay laakiin nasiib daro iyadoo gaadhigeedawadata ayuu dariiqa ku jiidhay gaadhi weyn oo xamuul ah xawaare sare ku socday, waxaana uu ku tuuray gadhigeed ilaa 400 mitir. Waxaana ay ku dhimatay goobtaasi iyadoo da’deedu ahayd 35 jir. Markii danbena waxa cadaatay in martiqaadku uu ahaa dhalanteed iyadoo dadaalkeeda iyo aqoonteedu u horseeday shirqoolka dilka. Waxaana laga qoray taariikhda Samiira buugaag badan. Aqoonta hamiga sare wadata waa wadada gush.

Leave a Reply