Shir lagu Falanqaynayo Korontada oo Hargeysa ka furmay

0
344

Hargeysa( Dawan):-Guddoomiyaha Komishanka Tamarta Somaliland Axmed Faarax Cadare ayaa sheegay in Maanta  shir lagaga hadlayo Liisamada Korantada ay isugu iman doonaan  Shirkadaha laydhka  iyo daneeyaasha korontada.

Guddoomiyaha Komishanka Tamarta Somaliland Axmed Faarax Cadare ayaa  ugu baaqay Shirkadaha laydhka  iyo daneeyaasha laydhka in ay ka soo qaybgalaan  shirka   lagu falaqayn doono Liisamada Koraotada oo ka furmi doona Huteelka Ampassador ee Magaalada Hargeysa.

Axmed Faarax Cadare oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Sida aad la socotaan Koomishanka Tamarta Wasaarada Macdanta iyo Tamarta iyo Shirkadaha Korantada, waxa ay muddo ka shaqaynayeen sidii loo dhamaystiri lahaa Liisamadii Korantada  oo muddo badan soo socday oo ay ka shaqaynayeen aqoonyahno khubara oo  looyara.waxa uu soo gaadhay gabogabadii in aynu eegno oo aynu dhamaystirno,sidaa darteed bari toole waxa uu ka bilaabmayaa shirkaasi  Huteelka Amppasador ee Magaalada Hargeysa dhamaan.shirkadaha laydhka  bixiya iyo daneeyaasha oo dhan waxa aanu u sheegaynaa in shirkaa ka soo qaybgalaan si ay uga soo baxdo wada tashi wanaagsan oo dhan walba laga eegay,”.

 

Leave a Reply