Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta oo Furay Tababar ku Saabsan Warbaahinta iyo Xallinta Khilaafaadka

0
245

Hargeysa(Dawan):- Wasiir ku xigeenka Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Siciid Xasan Habbane,ayaa  shalay furay tababar ku saabsan xallinta khilaafaadka iyo wariyeyaasha,tababartaas oo ay wada jir u wada wabteen ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Hay’adda UNSOM oo ay ka qayb galeen wariyeyaal ka socda gobolada Somaliland isla markaana socon doona muddo saddex cisho ah,ayay saxafiyiinta ka qayb galay kaga faa’iidaysan doonaan muddada uu socdo sida loo gudbiyo wararka xiliyada ay xaasaasaduhu ay jiraan iyo habka looga qayb qaato xallinta khilaafaadka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta Somaliland Siciid Xasan Habbane oo tababarkaas furay,ayaa wariyeyaasha  kula dardaarmay in ay aqoontooda saxafimimo kor u qaadaan isla markaana ay umadda dhaqankeeda iyo diinteeda u illaaliyaan.

 

Waxaanu usoo jeediyay wariyeyaasha Somaliland in ay dhanka wanaagga waxkasta ka eegaan iyo isu soo dhawaynta bulshada iyo dhinacyada siyaasadda.

Waxaanu sidaa ka sheegay tababar loo qabtay wariyeyaal ka socda gobolada Somaliand oo tababar loo furay.

 

Wasiirka oo ka hadlayay sida warku bulshada saamayn ugu yeesho,ayaa yidhi. “waxaa laga yaabaa war yar oo meel ka baxay in uu ummad dhan heshiisiiyo,ama taa bedelkeeda in uuummad dhan  hub isugu dhiibo,ayaa suuragal ah,waayo? Hubsiimuhu kuma badna waxaana laga yaabaa waxay markaaba dhegta ka maqlaan in lagu camal falo oo hore loo qaato,sidaa darteed aad Ayaan u bogaadinayaa in tababarada noocan ah ee xirfadda saxafiyiinta lagu kobcinayo in la inoo qabto gaar ahaan marka ay xaaladaha xaasaasiyadda lihii ay jiraan sidee looga waramaa aad ayaynu ugu baahannahay.”

Wasiir ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay. “soddonkii sano ee Saxaafadeenu jirtay aad ayay u koraysay meel fiican ayay soo gaadhay,hadana lagama maarmo in aqoonta ay xirfadda saxafinimo u baahan tahay in aynu korodhsano,wixii saxaafadda iyo aqoontu inooga baahnayd sideen uga illaalinaa baraha bulshada een ku shaqayno waa run tiknoolajiyadda ayaa inna hagaysa laakiin waa in aanay dhaqankeena iyo siday bulshadeenu u noolayd in aanay waxyeelayn.”

Waxaa kale oo isna furitaankii tababarkaas ka hadlay guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Sakariye Axmed Muxumed oo ku  dheeraaday sida loogu baahan yahay in saxafigu dhex dhexaad ka noqdo marka ay jiraan arrimaha xaasaasiyadda leh iyo in uu run sheeg noqdo bulshadana usoo gudbiyo wixii wax u taraya.

 

 

 

Leave a Reply