Taxdirka Erayada Gefka Ah!

0
217

Qoraagii Williams Thomas ee dalka Maraykanka ayaa sanadkii 1886 qoray qisada laba Markab oo isku duqeeyay biyaha badda dhexdooda, oo ay ku dhinteen dad badan ka dib markii ay ku yaraadeen sixiimadaha yaryar ee badbaadintu. Waxa kale oo qisada ku jirtay Markab kale oo isagu duqeeyay buur baraf biyaha badweynta degan ee baraflayd ah.  Waxaana uu ku cadeeyay in Markabkaasi ay ku dhinteen dad aad u tiro badan ka dib markii ay yaraadeen doonyaha badbaadinta.

Thomas ayaa qoraladiisa ku sheegi jiray in uu ku dhiman doono qaraqa biyaha ama in la dilo.  Sanadkii 1912 bishii April 15kdii waxa burburay markabkii ugu weyn caalamka ee Titanki ka dib markii uu duqeeyay buur baraf ah waxaana ku geeriyooday tiro badan oo dadkii rakaabka oo dalxiisayaal u badnaa. Waxaana sabab u ahayd markii ay yaraadeen doonayaha badbaadintu.

Waxaana ka mid ahaa dadkii ku dhintay Thomas oo biyaha barafku dileen ka dib markii uu waayay sixiimada badabaadin lahayd. Waxa qof kasta u wanaagsan in uu ka taxidiro weedhaha uu ku hadlayo.

Pop Star, isaguna waxa uu ahaa heesaa caan ah oo u dhashay dalka Romaniya. Ninkan oo da’diisu ahayd  29 sano ayaa isagoo gaadhigiisa ay ku wado gabadhiisa, taageerayaashiisa ugala xidhiidhiyay telefoonkiisa si life ah , wakhigaasi oo uu sigaarna cababya dabayaqadii sanadkii 2020.

Waxa uu dhegaysanayay miisiga ka caanka ah dalkaasi waxaana ay taageerayaashiisu kala socdeen muuqalka iyagoo marar badan ka codsaday inuu life usoo galo sida lagu daabacay wargeyska Mirror. Kamarada ayaa laga arkayay  xaaskiisa oo waday gaadhiga oo markii ay isgoyska Ploesti ee ku yaalla gobolka Prahova ee dalkaasi ka gudbaysay dhinacayada iska eegaysa,.

Nasiib darro isla markaasi ayuu tareen aanay iska arkayn jiidhay, ninkeedu waa uu arkayay waxaana uu dhowr jeer ku qayliyay  “ ka joog tareenka” laakiin markiiba waxa soo gaadhay tareenka oo xawaare sare ku socday.

Waxaana halkaasi ku dhintay heesaaga Pop, iyadoo gabadhiisa 24 sano ahaydna uu dhaawac soo gaadhay. Waxase taageerayaashu aad ula yaabeen in geerida naxdinta leh bishii ka horaysay uu heesaagu, facebook uu leeyahay ku soo qoray farriinta ah :” “Maalin uun, ayuu tareen khaldani ku qaadi doona oo kugu tuuri doona meesha saxda ah.”

Leave a Reply