Wasiirka Arimaha Gudaha oo furay Shirka Maamul Wanaagga ee Qorshaha Horuumarinta Qaranka

0
168

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed,ayaa furay shirka qorshaha horumarinta Qaranka  oo sadexdii bilood ba mar la qabto.

 

Shirkan oo la qabto saddexdii bilood mar ayaa ka mid ah qorsha shanta tiir ee dallada ay ku midaysan yihiin Hannaanka Qorshaha Horuumarinta Qaranka, Maamul daadejinta iyo Dumuqraadiyada (Domacradizatiom and Decentralization), kaasoo ay ku midaysanyihiin Hay’adda Dawladda, Hay’adda Caalami ah iyo kuwa Maxaliga ah intaba.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed,oo furay shirankan Governance sector ayaa ka waramay muhiimada shirkani qaranka u leeyahay, isagoo oo sheegay in lagu lafa-gurayo muddada labada casho ah ee uu socdo Amniga oo ah waxaa ugu muhiimsan ee aynu haysano, sidoo kale waxaa lagaga hadlayaa arrimaha aqoonsiga raadinta, arrimaha qarsoorka, Caddaalada iyo Degaanka ka ama Isbedelka Cimilada.

Wasiirka ayaa ku boorriyey ka soo qayb galeayaasha in ay si wayn u gorfeeyaan arrimaha Horuumarinta Qaranka,maamulka Wanaagga iyo Dawladnimada,isagoo Wasiirku intaa ku daray in ay shirkan oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Arimaha Guduhu ay ka soo baxaan qodobo Qaranka wax u taraya.

Khaalid Ibraahim Cumar oo ah Agaasimaha Waaxda Gender iyo Xuquuqul Insaanka ee Wasaaradda Arimaha Gudaha, kana mid ah guddida diyaarinaysa Qorshaha Horuumarinta Shanta Sano ee Qaranka ayaa ka waramay muhiimada shirka iyo ujeedda loo qabto saddexdii biloodba hal mar.

Wasiirada Wasaaradaha Cadaalada Salebaan Warsame Guuleed, Dastuurka iyo Xidhiidhka Goleyaasha Maxamed Xaaji Aadan iyo Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta ayaa iyana ka waramay muhiimada shirkani Qaranka u leeyahay, iyagoo intaa ku daray in ay soo gudbisteen Qorshayaashoodii iyo doorkii ay ku lahaayeen shirkan, una mahadnaqay Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL shaqada wanaagsan ee ay qabatay.

Dhinaca kale shirkan waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Cabdikariim Aadan Cadde, Gudoomiye Kuxigeenka Hay’adda Maamul Wanaaga, Hay’adaha Caalamiga iyo kuwa Maxaliga ah.

 

 

 

Leave a Reply