Messi oo Dhaawacmay ka hor Kulanka Finalka Koobka Adduunka

0
244

Tabobaraha xulka qaranka Argentina ee Lionel Scaloni ayaa werwersan maalmo ka hor finalka Koobka Adduunka ee ay la ciyaari doonaan, sababtoo ah waxa uu habeen dhaawac soo gaadhay xiddiga xulkiisa ee Lionel Messi.

Kabtanka xulka Argentina oo habeen hore soo bandhigay mid ka  mid ah ciyaarihiisii ugu sarreeyey, isla markaana garoonka Lusail Stadium ku silciyey ciyaartoyda Croatia oo uu rikoodhe ka dhaliyey, sidoo kalena uu caawiyey goolkii labaad ee Julian Alvarez uu dhaliyey.

35 jirkan ayaa ciyaarta dhamaystay isaga oo faraxsan, laakiin waxa jiray xaalado werwer leh oo laacibkan soo maray dhamaadkii ciyaarta, ka dib markii la arkay isaga oo muruqa is-haya ka dib markii uu sida xun u bahdilay Josko Gvardiol oo uu kubbad dhinaca midig ay isku heleen uu si fudud ula soo dhaafay ee uu goolka hortiisa u dhigay Julian Alvarez daqiiqaddii 69aad, taas oo ahayd goolkii saddexaad ee Argentina ka dhaliso Croatia.

Lionel Scaloni ayaan ka hadal dhaawaca soo gaadhay Lionel Messi oo muruqa ah, hase yeeshee waxay warbaahinta Ingiriisku oo adeegsanaya sawir uu muruqa bowdada is-hayo Messi ay ku sheegeen in uu dhaawacan yahay.

Ciyaarta ka dib ayaa Messi la weydiiyey sida uu xaalkiisu yahay maadaama uu muruqa is-hayay, waxaanu ku jawaabay: “Run ahaantii waxa aan dareemayaa in aan fiicanahay, waxa aan dareemayaa xoogganaan iyo in aan diyaar u ahay in aan ciyaaro kulan walba.”

“May ahayn ciyaar fudud sababtoo ah waxa aanu nimi anaga oo daallan, balse waxa aanu ahayn koox adag, waxaananu ciyaarnay ciyaar xooggan. in badan ayaan faraxsanahay, waxa aan ku dareemayaa Koobka Adduunka farxad iyo in aan awooday in aan caawiyo ciyaartoydayada.”

Leave a Reply