Ciidanka Dab-demiska Degmada Ceerigaab oo u Gurmaday Booyad Shiidaal oo Dab Qabsaday .

0
185

Ceerigaabo(Dawan):-Ciidanka Dab-damiska Ceerigaabo,ayaa ku guulaystay in ay damiyaan booyad shidaal oo iaydoo ololaysa dirawalkii waay uu kula soo eertay xarunta ciidanka Dab-damista Ceerigaabo

Ciidamada dabdemiska gobolka sanaag ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo daminta dabkaas.

Iyagoo adeegsaday damiyaha Fuumta loo yaqaano kaasi oo loo adeegsado daminta Shidaalka.Ciidanka ayaa dhamaan badbaadiyay gaadhigaa.

Ma jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho oo dabkaasi sababay.Sababta dabkaasna waxaa gacanta ku haya ciidanka Booliska.

Ciidamada Dab-demisku waxay halkan fariin uga dirayaan bulshada inay ka taxadaraan halista dabka, sidoo kalena ka feejignaadaan wax kasta oo dhalin kara dab.

Fadlan muwaadin hadii aad masiibo dab la kulanto soo wac lambarka gurmadka degdega

 

Leave a Reply