Faa,iidooyinka iyo Dhibaatooyinka Caafimaad ee uu leeyahay Cabbitaanka badan ee Bunka ama Qaxwuhu.

0
584

Todobaadkan waxa aan ku eegi doonaa qormada arimaha bulshada faa,iidooyinka iyo dhibaatooyinka caafimaad ee laga helo cabitaanka bunka maadaama oo uu sanadihii u dambeyey aad u soo badanaayo goobaha lagu iibiyo cabitaanada bunka iyada oo ay aad u isticimaalaan ama u cabaan dadka reer Somaliland hadaba akhriste In si dhexdhaxaad ah aad u cabto bunka ama qaxwaha waa badqab dhanka caafimaadka ah. Laakiin in aad cabto maalinkii 3 ilaa 4 koob oo bun ah ayaa leh faa’ido caafimaad, sida ku cad daraasad, ay soo saarrtay shirkadda BMJ.

Daraasada ayaa lagu ogaaday in dadka cabba bunka ama qaxwaha badan ay yartahay halista ah in ay ku dhacaan cudurrada beerka iyo qaar ka mid ah noocyada kansarka iyo waliba in ay yartahay halista ah in u qofka madaxa dhiig kaga furmo.

Balse daraasaddu may caddeyn in cabidda bunka uu sabab u yahay arrimhan.

Sidoo kale Daraasadda ayaa muujinaysa in hooyada marka ay uur leedahay misana aadka u cabta bunka uu waxyeelo u gaysan karo.

Cilmibaadhayaashani oo ka socday jaamacadda Southampton ayaa waxay soo uruuriyeen macluumad la xidhiidha saamaynta uu bunka ku yeelanayo jidhka bina’aadamka.

Waxana ay khoboradu tijaabo ku sameeyeen 200 oo daraasadood oo intooda badan laga sameeyay saameeynta cabbidda bunka.

Marka la is barbar dhigo dadka aan cabin bunka ,iyo kuwa maalinkii cabba seddex koob ,ayaa dadka cabba waxaa la ogaaday in ay yartahay khatart ku aadan in ay ku dhacaan cudurada wadnaha amaba ay u dhintaanba.

Faa’iidada ugu xooggan ee laga dhaxlo cabbidda bunka ayaa ah in hoos u dhaca halista in qofka ay ku dhacaan cudurradda beerka oo uu ku jiro Kansarka.

Hasa yeeshee, Prof Paul Roderick, oo ka mid ah macallimiinta kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Southampton, ayaa sheegay in daraasada aysan tilmaamin in cabbidda bunka oo kali ah ay sabab u tahay yaraanshaha halista cudurradaasi.

“Arrimaha sida da’da, in qofka uu cabbo sigaar iyo dadka sameeya jimicsiga ayaa dhamaan yeelan kara astaamahan,” ayuu yidhi.

Waxyaabaha lagu ogaaday daraasadda ayaa taageeraya daraasado horay loo sameeyay oo ku saabsan cabidda bunka .

Daraasada ayaa ku talinaysa in haweenka uurka leh aysan cabin maalinkii wax ka badan 200 oo mg oo bun ah ,sababtoo ah haddii ay cabaan qaxwo badan ayaa waxa sare u kici karta halista ah in ay ilmaha soo dilmaan

Waxa ay sidoo kale ku baaqayaan in loo baahan yahay in dadka cabba bunka ay ogaadaan faa’dooyiinka caafimaad ee ku jirta.

Inkasta oo uu bunku leeyahay faa’iidooyinkaas tirada badan ee aynu badankooda qaybtii hore ee qormadan ku soo aragnay, haddana waxa uu cilmigu ogaaday in ay jiraan dhibaatooyin caafimaad darro oo bunku uu qofka ku keeni karo, gaar ahaan marka uu qofku isku badiyo cabbista bunka ama markiisa hore uu leeyahay xaalado caafimaad darro oo bunku uga sii dari karo. Dhibaatooyinkaas waxaa ka mid ah:

  1. Bunku waxa uu kordhiyaa garaaca wadnaha.
  2. Bunka oo la isku badiyaa waxa uu qofka ku keenaa xaalado nafsadeed ay ka mid yihiin walaac iyo cadho badan.
  3. Bunku waxa uu raad xun ku yeeshaa hurdada oo uu dadka qaar ka yareeyo.
  4. Bunku waxa uu keenaa calool olol.
  5. Bunku waxa uu si ku meelgaadh ah u kiciyaa dhiigga, laakiin isagu ma keeno dhiigkar. Sidaas awgeed waxa fiican in qofka dhiigkarka lihi uu ka taxaddaro cabbista bunka.

Hadaba si aan u ilaalino caafimaadkeena waxa waajib ah inaan ogaano inta aynu uga baahanahay cabitaanka bunka , Maadaama oo aynu xusnay in bunku uu faa’iidooyin caafimaad iyo dhibaatooyin caafimaad darro leeyahay, waxaa muhiim ah in la is weydiiyo sida ugu habboon ee bunka loo cabbi karo iyada oo dhibta ka iman kartana laga taxaddarayo. Xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ya ku talinayaan in qofku aanu maalintii ka badsan 3 koob oo bun ah, laakiin dhibaato kuma ay sheegin in uu illaa shan koob gaadho. Inkasta oo ay tahay in loo eego hadba xaaladda caafimaad ee qofka.

Caadi ahaan ma fiicna in jidhka uu galo xaddi ka badan 400 oo miligraam oo maadadda Caffeine ahi maalin kasta. Waxaa iyaduna xusid mudan in tirada koobabka bunka laga cabbayaa ay aad ugu xidhan tahay xaddiga Caffeine ta ee koob kasta ku jirta, taas oo ku xidhan hadba sida loo diyaariyey bunka iyo nooca uu marka horeba yahay bunku. Tusaale ahaan koobka bunka aadka u culus ah, iyo bunka la kariyaa ee iyo bukna nooca ka baxa dalka Turkiga koobkiisa waxaa inta badan la qiyaasaa in ay ku jirto 30 mililitir oo maadadda Caffeine ah, laakiin bunka u samaysan nooca Isbareesada loo yaqaanno waxaa la qiyaasaa in koobkiiba ay ku jirto Caffeine qiyaasteedu dhan tahay 40 illaa 74 miligraam ama ka badan.

Leave a Reply