Mareeyaha Hay,adda Duulista iyo Madaarada oo Hortegay Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida

0
230

Hargeysa(Dawan):-Mareeyaha Hay,adda Duulista iyo Madaarada Somaliland  Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan oo shalay hor tagay gudida
joogtada ee Golaha Guurtida ayaa waxa uu uga xog waramay shaqada uu qaranka u hayo.

Mareeyaha Hay,ada Duulista iyo Madaarada Somaliland  Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan oo kulan kaasi ka dib Warbaahinta la hadlay
ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ay ka wadahadleen gudida
joogtada ee Golaha Guurtida.Waxaana uu yidhi”Waxa aan Maanta shalay kulan la yeeshay gudida joogtada ee Golaha Guurtida Somaliland,waxaana aan uga waramay Hay,ada Duulista iyo Madaarada Somaliland waxyaabihii u qabsoomay Sannadka 2021 iyo waxyaabaha la sii dhamaystirayo.waxaanan  is waydaarsanay Su,aalo iyo wixii macluumaad ah ee ay u baahnaayeen,waxaanay ka mid tahay wada shaqaynta Xukuumadda iyo Goleyaasha oo aad u muhiim ah.waana kulamadii caadiga ee aanu wada yeelan jirnay   gudida joogtada ee Golaha Guurtida,”.

Dhinaca kale  Guddoomiyaha gudida  joogtada ee Golaha Guurtida Dayib Xasan Boobe ayaa  sheegay in Mareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarada ay wax ka waydiiyeen shaqada uu qaranka u hayo.Waxaanu yidhi”Waxa aanu ka waraysanay shaqadii uu qaranka uu u hayay si wanaagsan oo dhinacyo badan taabanaysa ayuu noogu waramay,waxa uu qabtay iyo waxa uu qaban doono ayuu nooga waramay,”.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply