Wasiirka Hawlaha Guud oo Sheegay in Qorshe Magaaleedka Caasimadda lagu Shaqayn Doono 15 sano

0
369

Hargeysa (Dawan):-Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa sheegay in qorshe Magaaleedka Caasimadda Hargeysa oo shalay la daah furay  in lagu shaqayn doono muddo  15 sano ah.

Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland Cabdilaahi Abokor ayaa sheegay  in Muwaadiniin u dhashay Somaliland ay fulinayaan qorshe Magaaleedka Caasimadda Hargeysa.

Cabdilaahi Abokor oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Ujeedada kulankeenu waxa weeyaan  in aynu billaabayno  qorshe Magaaleedka Caasimadda Hargeysa,kaas oo noqon doona 15 sano ee soo socda oo ay ansixiyeen gudida heer qaran ee nashqadaynta qaranka.annaga oo raacayna ayaanu qorshahan fulinaynaa,”.

waxaanu   tilmaamay in qorshe Magaaleedka Caasimadda ay ku jiraan sida loo isticmaalayo dhulka.Waxaanu yidhi”Qorshaha aynu samaynayno kow waxa ka noqon doona  isticmaalka dhulka oo loo qaybin doono 14 qaybood,maanta waxa aynu nahay Umad dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaan madaxbanaan dhaqaalaha ku baxaya hawshan aynu qorshaynayno waa cashuurtii Somaliland laga ururiyay Farsamoyaqaanada hawshaa fulinayaa waa Muwaadiniin Somaliland u dhashay runtii aad ayaan ugu faraxsanahay Umadna horumar ma samaynkarto ilaa Umadii Horumarto.”

 

 

 

Leave a Reply