New Zealand oo mamnuucday in Sigaarka laga iibiyo carruurta

0
314

New Zealand ayaa Salaasadii meel marisay qorshe sharci oo aan hore loo arag kaas oo lagu joojinayo cabistaTubaakada ama Sigaarka iyada oo la mamnuucay in dhalinyarada laga iibiyo sigaarka.

Sharcigu waxa uu dhigayaa in aan tubaakada laga iibin karin qof kasta oo dhashay January 1, 2009 ama ka dib.

Sharcigan waxa macnihiisu yahay in dadka yar-yar oo dhan aanay iibsan Karin Sigaar. Sharcigu waxa uu intaa ku darayaa in qof isku dayaya inuu iibsado baakidh sigaar ah 50 sano ka dib uu ahaan doono qof sita aqoonsi muujiya inay da’diisu ugu yaraan tahay 63 sano.

Laakiin maamulka caafimaadku waxa ay rajaynayaan in sigaarku si fiican uga dabar go’i doono ka hor intaan la gaadhin sanadka 2025. Wakhtigaas  oo hadaf yahay inay New Zealand Tubaakada xor ka noqoto.

Sharciga cusub ayaa sidoo kale hoos u dhigaya tirada tafaariiqda ee loo ogol yahay inay iibiyaan tubaakada laga bilaabo 6,000 ilaa 600 wuxuuna hoos u dhigayaa qadarka nikotiinta ee loo ogol yahay tubaakada sigaarka.

“Ma jirto sabab wanaagsan oo loo ogolaado in la iibiyo badeeco disha kala badh dadka isticmaala,” ayay tidhi wasiir ku xigeenka caafimaadka Dr. Ayesha Verrall oo la hadashay xildhibaanada baarlamaanka. “Oo waxaan kuu sheegi karaa inaan tan soo afjari doono mustaqbalka, marka aan ansixineyno sharcigan.”

Waxa ay sheegtay in nidaamka caafimaadku uu balaayiin doollar badbaadin doono oo lagu dawayn jiray cudurrada uu keeno sigaarka, sida kansarka, wadne xanuunka, istaroogga, iyo goynta. Waxay sheegtay in hindise sharciyeedkan uu abuuri doono isbedel jiil, isla markaana uu dhaxal caafimaad oo wanaagsan u reebayo dhalinyarada.

Xildhibaanada ayaa u codeeyay in xisbiyada ay ku ansixiyaan sharciga 76 ilaa 43.

Tirakoobyada New Zealand ayaa sheegay bishii hore in 8% dadka waaweyn ee New Zealand ay sigaarka cabi jireen maalin kasta, taas oo boqolkiiba 16% ahayd toban sano ka hor.

Heerarka sigaarka ayaa weli ka sarreeya siiba waxa ii ku sareeyaa dadka Asaliga ah. Dadka Maori-ga ee asaliga ah, ayaa qiyaastii la sheegay in boqolkiiba 20% ay sigaar cabaan.

New Zealand waxa horeba u xaddidday iibinta sigaarka ee da’da 18 iyo wixii ka weyn, iyada oo iibinta iyo caafimaad ay isku xidhnaayeen.

New Zealand ayaa sanadihii ugu dambeeyay sidoo kale ku soo rogtay canshuuro isdaba joog ah sigaarka.

Isbeddelka sharciga waxaa soo dhaweeyay dhowr hay’adood oo caafimaad. Isbahaysiga Caafimaadka Aotearoa ayaa sheegay in sharciga cusub uu u taagan yahay dhamaadka tobanaan sano oo ururada caafimaadka iyo bulshada u doodayeen arrimahan.

Leave a Reply