Erik ten Hag oo Carrabaabay 7 Ciyaartoy oo United u Ciyaara oo Wacdaro ka Dhigay Koobka Adduunka

0
181

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa ku dooday in kooxdu ay u diyaar-garowday sidii ay u maarayn lahayn ciyaartoyda kasoo laabanaya Koobka Adduunka, kuwaas oo u baahan waqti nasasho iyo in maskax ahaan ay u degaan ka hor inta aanay tababarka bilaabin.

Saddexda ciyaartoy ee xulka England ee Harry Maguire, Luke Shaw iyo Marcus Rashford, labada reer Portugal ee Diogo Dalot iyo Bruno Fernandes iyo saddexda reer Brazil ee Casemiro, Fred iyo Antony ayaa dhamaantood kusoo waajahan Carrington kaddib markii ay dalalkoodu wareegga siddeedda kaga hadheen Koobka Adduunka.

Portugal iyo Brazil ayaa ka mid ahaa dalalka loo saadaalinayey inay ku guuleysanayaan Koobka Adduunka, laakiin waxa guryahooda u diray Morocco oo noqotay dalkii ugu horreeyey ee Afrikaan ah ee gaadha semi-finalka aKoobka Adduunka iyo Croatia oo iyaduna markii labaad oo xidhiidh ah iska xaadirisay semi-finalka.

Laba ciyaartoy oo Manchester United ah ayaa wali kusii jira Koobka Adduunka, waana difaacyahannada Lisandro Martinez oo reer Argentina ah iyo Raphael Varane oo Faransiis ah.

Eric ten Hag oo saxaafadda la hadlayay ayaa la weydiiyey sida ay ahaayeen ciyaartoydiisii tegay Koobka Adduunka, waxaana uu yidhi: “Waanu u diyaaarsanahay xaalad kasta. Ciyaartoydu way guuleystaan haddii aanay guuleysanina waxay lasoo laabanayaan niyad-jab.

“Anigu illaa hadda waan ku faraxsanahay bandhigga ay sameeyeen ciyaartoydayadu, dhamaantood waxay ku jiraan qaab wanaagan. Waxaynumar horeba ka hadlaynay Casemiro, laakiin waxa aad aragtaan Bruno iyo Diogo oo si fiican u ciyaaray. Haddii aan eego kuwa Ingiriiska waxay muujiyeen bandhig heersare ah. Rapha Varane ayaa isaguna soo laabtay oo wax fiican samaynaya.”

 

Leave a Reply