Baanka Dhexe ee Somaliland: Maalgelinta Laamaha Dawladda Horumar Qaranku Gaadhay

0
235

Hargeysa(Dawan):- Guud ahaan caalamka aynu ku noolnahay dawlada ka jiraa waxay ku kala horumaraan hadba sida ay isugu tashadaan ee ay isugu xidhanyihiin laamaha dawladnimo ee qaramada dunidu.

In badan ayaad arkaysaa ama aad maqlaysa dal Hebel baankiisa ayaa malaayiin dolar ku maal galiyay waxsoosaarka beeraha ama tamarta,laakiin dalalka dunida sadexaad loogu yeedhaa waxa keliya ee ay sugaan waa maal gelin dibdeed mana sameeyaan inta badan Baanankooda dhexe wax maalgelin ah.

Haddaba taa bedelkeeda dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo aan caalamka ka helin aqoonsi caalami ah iyo taageero dhaqaale midna,aya aisu tashi ay wax ku qabsanayso la timi,waxaanay wax kasta ka horraysiisay Jamhuuriyadda Somaliland inay wax qabsato.

Dalka oo meel eber ah laga soo bilaabay ayaa markasta ku tallaabsanayay dib u dhiska qaran dhan oo waxba la,aan laga soo unkay.

Baanka dhexe ee Somaliland oo ka duulaya sidii dalku u dhismi lahaa ayaa bilaabay maagleinta laamaha dawladda dhexe iyo dawladaha hoose waxaanu gacan wayn ka geystay in dalku dhismo oo aan loo xidh xidhnaan in la sugo maalgelin shisheeye waxaanu dhabarka u ritay Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland in hay’addaha kala duwan ee Dawladdu in ay dhismaan oo ay buuxiyaan adeegga bulshada Somaliland uga baahan tahay waxaanu maalgelin malaayiin Dolar ah ku maal geliyay meelo badan oo kala duwan oo ah laamaha dawladda Dhexe iyo dawladaha hoose.

Maalgelintii ugu dambaysay ayaa ahayd markii la maqlay kolkii ay Dekeda Berbera ku soo xidhatay doon sidday Daamur dawladda Hoose ee Hargeysa ay leedahay ooh al milyan oo Dollar uu ku sii maalgeliyay Baanka dhexe ee Somaliland taasoo indhaha bulshada ku soo jeedisay hawsha way nee uu qaranka u hayo Baanka dhexe ee Somaliland isla markaana ay bulshadu ka marag kacday in horumarka qaranku gaadhay in uu Baanka dhexe kaalintiisii iyo waliba dheeraad in uu qaatay.

Waxaa uu hore Baanka dhexe ee Somaliland hal milyan oo Dolar ugu maalgelyay Madbacadda Qaranka oo dhismeyaal casri ahna loo sameeyay qalabyo kala duwan oo dhanka daabacaadda ah na loosoo iibiyay.

Waxaa kale oo jira meelo kale oo badan oo uu maalgeliyay Baanka dhexe ee Somaliland oo ka hirgalay dhammaan gobolada Somaliland oo dhan.

Tallaabaada Baanka dhexe ee Somaliland uu ku maalgaliyay laamaha dawladda dhexe iyo dawladaha hoose ayaa ah mid qaranka Somaliland guul u ah isla markaana meesha ka saaraysa in aynu sugo gacmo shisheeye.

Waxaa kale oo uu Baanka dhexe ee Somaliland dhawaan soo galay heshiisyo caalami ah ka dib markii guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Dr Cali uu Shir caalami ah kaga qayb galay dalka Baxrayn.

Tallaabooyinka horumarka qaranku ku socdo ayuu baanka dhexe ee Somaliland kaalintiisii buuxiyay isla markaana ku daray dheeraad

 

 

 

Leave a Reply