Ciidanka Socdaalka oo Digniin Culus u Diray Cid kasta oo Dad Sharci Darro ah Dalka soo Gelisa

0
236

Hargeysa(Dawan):-Laanta socdaalka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo saartay digniin culus taas oo la xidhiidha dadka sharci-darada kusoo gelaya dalka iyo sidoo kale dadka ka dambeeya inay dalka soo galaan.

Talista ciidanka Socdaalka Somaliland qoraal ka soo baxay oo ay soo dhigeen bartiisa facebook waxa uu ku sheegay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan cidkasta oo dalka soo geliso dad aan sharci haysan, isla markaana waxa lagu sheegay qoraalka in xeer dhawaan uu meelmariyey golaha wakiillada oo la xidhiidha xeerka tahriibta uu noqon doona ka ay u cuskan doonaan ciqaabta uu mudan doona qofka dalka keena dadka aan sharciga haysan, sidoo kale waxa lagu sheegay in xeerkaasi uu ka adag yahay kii hore u jiray, isla markaana uu dhigayo oo uu xaq u siinayo laanta ka hortaga dadka aan sharciga haysan inay la wareegi karaan gaadiidka loo isticmaalo keenista dadkaas.

 

 

Qoraalka ka soo baxay ciidanka socdaalka somaliland ayaa u dhignaa sidan

“wargalin iyo digniin muwadiniinta gaadiidleyda ah ciidanka socdaalka Jamhuuriyadda Somaliand   wuxuu uga digayaa muwaadinkasta oo ka qayb qaadanaya fududeeynta tahriibta sharci darada ah sifo kasta ha ahaate oo lagu caawinayo in ay dadka sharci darada ah soo galaan dalka ama ku dhax joogan dalka si sharci daro ah.

waxaa lagu qaadi doona tallaabo sharciga waafaqsan cidkasta oo ku lug lahayd sida darawaliinta, mulkiilaha gadiidka iyo kuwa fudeydinayaba. isagoo xeerka cusub ee tahriibta “101/2021 xeerka ka hortaga iyo xakamaynta ka ganacsiga dadka” lagu qaadi doono.

xeerkaas oo ka ciiqaab adag kuwii hore ee lagusoo dhaqmayay awoodna u siinaya ciidanka socdaalka in ay la wareegan gaadiidka loo isticmaalay tahriibinta, halka shakhsiyaadka kuluglehna la marinayo ciiqaab adag oo u dhaxaysa 2 sano ilaa 10 sano oo aan iib lahayn sidoo kale ay raaci karaan duruufaha danbiga cusleeya.

hadaba muwaadin ka digtoonow in aad kulug lahaato nooc kasta oo ka qayb qaadasho ah, fududeeynta, caawinta iyo dhiiri galinta tahriibta.

ciidanka socdaalka oo hirgalinaya xeerkaas cusub wuxuu soo qabtay 3 baabuur oo siday 133 qof kuwaas oo iskugu jira rag iyo dumar, waxaana muwadininta fududeysay iyo darawalintaba, maxkamadda g/m/jeex ku xukuntay xukuno kala duwan oo u dhaxaysa 3 sano ilaa 4 sano oo xadhig aan iib lahayn ah, halka mulkiilayasha gadiidka lagu xukumay lacag tiro badan.

muwaadin iska jir kuluglahaanshaha tahriibta aan sharciga ahayn

 

 

 

“.

Leave a Reply