Wasaaradda Cadaaladda oo Xarumo Xalliya khilaafyada Bulshada Furtay

0
354

 

Hargeysa-(Dawan):- Wasaaradda Cadaaladda Somaliland ayaa shaacisay inay xafiisyo lagu xaliyo khilaafyada bulshada oo fuliya adeegyo sharci ka furtay afar gobol iyadoo ka duulaysa dedaalka ay ugu jirto ballaadhinta adeegyadda cadaaladda ee dalka.

 

 

Xarumahan oo ay wasaarada Cadaaladdu ka furtay Magaalooyinka Hargaysa, Burco, Laascaanood iyo Ceeri-gaabo ayaa qaban doona adeegyada sharci ee kala ah xallinta khilaafyadda madaniga ah, la talin sharci iyo gudbinta iyo kaalmaynta dacwadaha ciqaabta ah.

 

Sidoo kale xarumahan ayaa bulshada ka kaalmayn doona sida ay wasaaradda cadaaladdu sheegtay helitaanka adeeg cadaaladeed oo ku habboon dacwadahooda, iyagoo ku xidhi doona laamaha cadaaladda ee ay dacwadahoodu khuseeyaan.

 

Wasaaradda Cadaaladda Somaliland ayaa intaa raacisay in dhamaan adeegyada ay xarumahaasi bixinayaan ay yihiin kuwo lacag la’aan ah oo wakhti kooban kaga garnaqaya dacwadaha, laguna ilaalinayo xogta dhibbanaha ama dacwoodaha, ku habboon dumarka iyo carruuraha tacadiyadda la kulma isla-markaana isku xidhaya nidaamka cadaaladda dadban iyo mida tooska ah.

 

Leave a Reply