FIFA oo Shaacisay Isbeddel Lagu Sameeyey Koobka Adduunka Naadiyada oo 32 Kooxood ka Qayb-geli Doonaan

0
285

Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa shaacisay in la ballaadhinayo Koobka Adduunka naadiyada dunida oo laga dhigi doono 32 kooxood, si la mid ah Koobka Adduunka ee xulalka, kaas oo loo qaabaynayo si ka duwan nidaamkii hore looga bartay tartanka.

Isbeddello badan ayay FIFA ku samayn doontaa Koobka Adduunka naadiyada, waxaana lagu soo kordhin doonaa 25 kooxood oo kale halka ay hadda kaliya ka qayb-galaan toddoba kooxood.

Madaxweynaha FIFA ee Gianni  Infantino oo maanta la haadlayay saxaafadda ayaa daboolka ka qaaday in isbeddelka Koobka Adduunka naadiyada la hirgelin doono sannadka 2025, laga guuri doono qaabkii hore ay u iman jireen kooxaha ka qayb-gelaya oo ahaan jiray naadiyada kusoo guuleysta Koobabka qaaradahooda, sida Champions League, Copa Libertadores, African Champions League iyo Asia Champions League.

Koobka Adduunka naadiyada oo ay sannadkan horraantiisii ay ku guuleystay Chelsea oo bishii February finalka ku garaacday kooxda reer Brazil ee Palmeiras oo kusoo guuleystay Libertadores ayaa waxa la filayaa in sannadkan ay beddesho Real Madrid oo ah kooxda uga qayb-gelaysa Yurub ee ku guuleysatay Champions League oo bishii Liverpool ku garaacday finalkii bishii May ee Paris.

Leave a Reply