Furitaanka Horyaalka Horyaallada: Garoonka Hargeysa Stadium Markii ugu Horeysay Habeen lagu Ciyaaray

0
281

Waxa shalay oo Jimace ah si rasmi ah uga bilaabmay garoonka caasimadda Somaliland ee Hargeysa Stadium horyaalka horyaallada Somaliland.

Furitaanka horyaalka horyaallada oo Somaliland oo uu ka qaybgalay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, madaxda wasaaradda ciyaaraha iyo xidhiidhka kubadda cagta ugu sareeya iyo masuuliyiin kale ayaa waxa lagu bilaabay ciyaar ay wada yeesheen kooxaha Gaashaan Togdheer iyo DP World Berbera.

Ciyaartan dhexmartay labada kooxood ee Gaashaan Togdheer iyo DP World Berbera oo iba fur u ahayd horyaalka horyaallada Somaliland ayaa la bilaabay xilli casar gaaban ah, taasoo waqtigeedii dhamaadku uu gaadhay xilli habeennimo ah.

Maalmihii u dambeeyay ayay wasaaradda iyo xidhiidhka kubadda cagta Somaliland si wadajir ah u shaacinayeen in tartanka horyaalka horyaallada Somaliland sanadkan ay ku cusub tahay in la ciyaari doono xilliga habeenkii, kaasoo laydhkii garoonka uu shalay madaxweynaha Somaliland xadhiga ka jaray.

Ciyaartii lagu furay horyaalka horyaallada Somaliland ee dhexmartay kooxaha Gaashaan Togdheer iyo DP World Berbera ayaa ku dhamaatay hal gool iyo hal gool ay isla dhaafiyeen, isla markaana labada naadi dhibcaha ku qaybsadeen.

Leave a Reply