Hargaysa (Dawan): Komishanka doorashooyinka Qaranka Smaliland ayaa tababar u soo xidhay hawl-wadeenada tababari-doona shaqaalaha ka hawl gelaya goobaha diiwaangalinta cod bixiyayaasha. Diiwaan gelinta codbixiyeyaasha ayaa la qorsheeyay in ay 28-ka bishan December dalka ka bilaabanto. Iyadoo goobaha diiwaan gelinta oo tiradoodu dhan tahay 167 goobood, kuwaasoo ka mid 21-ka degmo doorasho ee dalka. Xubnahaas oo uu tababarku muddo uga socday magaaladda Hargaysa ayaa loo tababaray in aqoonta ay bartaan ay u gudbiyaan shaqaalaha kale ee ka hawl geli doona goobaha codbixinta. Waxaanay noqonaysaa shaqada labaad ee ay xubnahani qaban doonaan farsamo yaqaano, iyo cilad saareyaasha dhamaanba goobaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha dalka. Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland oo hadal u jeediyay shaqaalahan tababarka loo soo xidhay ayaa kula dar-daarmay in ay muujiyaan Dhabar-adayg iyo dul qaad, isla markaana wixii khaladaad ah ee yimaadda ay u samraan. “Waxaa loo baahan yahay in loo dhabar adaygo shaqada, dul qaadna in la muujiyo. Khaladaadka dhaca na in loo samro, in daacadnimo loo shaqeeyo. Wakhtiga ay diiwaan gelintu soconayso, wuu ka badan yahay wakhtiyadii hore. Goobuhuna way ka yar yihiin kuwii hore. 2700, oo goobood in ku dhaw ayaa laba ama saddex maalmood lagu soo koobi jiray. Waxaana la eegi jiray tiradda goobaha, oo looga dan lahaa in goob kastoo codbixineed ay ka qabsoonto diiwaan gelintu. Goobaha imika waa la yareeyay, waxaana la eegayaa tayadda. Waana in goob kasta cidda tegaysa aad ku tababartaan” ayuu yidhi Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland. Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa ku adkeeyay xubnahaas in koox walba goobta loo diro aanay ceebi ka iman, oo ay shaqadda sideedda uga soo baxaan. Waxaanu yidhi “Cilmiga aad haysaan baa lagu maamulayaa goobaha codbixinta. Sidoo kale cilmiga aad haysaan baa loo gudbinayaa shaqaalaha inooga shaqayn doona goobahaasi. Qaabka aad idinku u gudbisaan ayuun buuna wanaageenu ku xidhnaanayaa”. Sidoo kale Xuseen Bedhaani, oo ka tirsan xunbaha komishanka doorashooyinka Somaliland oo isna halkaas ka hadlay ayaa shaqaalahan tababarka loo soo xidhay ku tilmaamay in ay yihiin baalasha ay ku soconayso hawsha diiwaan gelintu. Waxaanu yidhi, “Mar waxaad tihiin, macalimiin tababari doona shaqaalaha inooga shaqayn doono goobaha dalkoo dhan, waxaana la idiinka baahan yahay in aqoonta aad barateen, aad u gudbisaan shaqaalaha. Shaqada labaad waxaad tihiin farsamo yaqaano. Waxaad tihiin cilad saareyaasha dhamaanba goobaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha dalka. Mar na waxaad saaraysaan wixii cilad ah ee soo baxa. Mar na waxaad tababaraysaan dhamaanba wixii shaqaale ah ee ka shaqaynaya goobaha

0
295

Hargaysa (Dawan): Komishanka doorashooyinka Qaranka Smaliland ayaa tababar u soo xidhay hawl-wadeenada tababari-doona shaqaalaha ka hawl gelaya goobaha diiwaangalinta cod bixiyayaasha.

Diiwaan gelinta codbixiyeyaasha ayaa la qorsheeyay in ay 28-ka bishan December dalka ka bilaabanto.

Iyadoo goobaha diiwaan gelinta oo tiradoodu dhan tahay 167 goobood, kuwaasoo ka mid 21-ka degmo doorasho ee dalka.

Xubnahaas oo uu tababarku muddo uga socday magaaladda Hargaysa ayaa loo tababaray in aqoonta ay bartaan ay u gudbiyaan shaqaalaha kale ee ka hawl geli doona goobaha codbixinta.
Waxaanay noqonaysaa shaqada labaad ee ay xubnahani qaban doonaan farsamo yaqaano, iyo cilad saareyaasha dhamaanba goobaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha dalka.
Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland oo hadal u jeediyay shaqaalahan tababarka loo soo xidhay ayaa kula dar-daarmay in ay muujiyaan Dhabar-adayg iyo dul qaad, isla markaana wixii khaladaad ah ee yimaadda ay u samraan.

“Waxaa loo baahan yahay in loo dhabar adaygo shaqada, dul qaadna in la muujiyo. Khaladaadka dhaca na in loo samro, in daacadnimo loo shaqeeyo.

Wakhtiga ay diiwaan gelintu soconayso, wuu ka badan yahay wakhtiyadii hore. Goobuhuna way ka yar yihiin kuwii hore.
2700, oo goobood in ku dhaw ayaa laba ama saddex maalmood lagu soo koobi jiray. Waxaana la eegi jiray tiradda goobaha, oo looga dan lahaa in goob kastoo codbixineed ay ka qabsoonto diiwaan gelintu.

Goobaha imika waa la yareeyay, waxaana la eegayaa tayadda. Waana in goob kasta cidda tegaysa aad ku tababartaan” ayuu yidhi Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland.

Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa ku adkeeyay xubnahaas in koox walba goobta loo diro aanay ceebi ka iman, oo ay shaqadda sideedda uga soo baxaan.
Waxaanu yidhi “Cilmiga aad haysaan baa lagu maamulayaa goobaha codbixinta. Sidoo kale cilmiga aad haysaan baa loo gudbinayaa shaqaalaha inooga shaqayn doona goobahaasi. Qaabka aad idinku u gudbisaan ayuun buuna wanaageenu ku xidhnaanayaa”.

Sidoo kale Xuseen Bedhaani, oo ka tirsan xunbaha komishanka doorashooyinka Somaliland oo isna halkaas ka hadlay ayaa shaqaalahan tababarka loo soo xidhay ku tilmaamay in ay yihiin baalasha ay ku soconayso hawsha diiwaan gelintu.

Waxaanu yidhi, “Mar waxaad tihiin, macalimiin tababari doona shaqaalaha inooga shaqayn doono goobaha dalkoo dhan, waxaana la idiinka baahan yahay in aqoonta aad barateen, aad u gudbisaan shaqaalaha.

Shaqada labaad waxaad tihiin farsamo yaqaano. Waxaad tihiin cilad saareyaasha dhamaanba goobaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha dalka.  Mar na waxaad saaraysaan wixii cilad ah ee soo baxa. Mar na waxaad tababaraysaan dhamaanba wixii shaqaale ah ee  ka shaqaynaya goobaha

 

 

 

 

 

Leave a Reply