Dhaqangalka Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka oo sugaya Saxeexa Madaxweyne Biden

0
185

Washington-(Dawan):- Xeerka iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka oo golaha Odeyaasha (Senate) shalay ansixiyeen ayaa dhaqangalkiisu sugayaa maalmaha soo socda saxeexa Madaxweyne Biden.

 

Xeerka oo xildhibaan Jim Risch, oo guddiga Arrimaha dibedda ee aqalka odeyaasha (Senate) soo diyaariyey, isla markaana hore golaha Baarlamaanku u ansixyey ayaa dhigaya in Maraykanku uu sahamiyo dhammaan xidhiidhada muhiimka ah ee lala yeelan karo Somaliland.

 

Xeerka iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka ayaa sidoo kale dhigaya in Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay sannad walba warbixin ka siiso Congress-ka kaalmada Maraykanku siiyo Somaliland.

 

Sidoo kale Wasaaradaha Arrimaha Dibeda iyo Gaashaandhiga ayuu xeerku farayaa inay muddo lix bilood gudahood ugu soo gudbiyo baarlamaanka suurtogalnimada in la sameeyo iskaashi Maraykan iyo Somaliland ah, oo ay ku jiraan fursadaha iskaashiga ee arrimaha ammaanka gobolka.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply