Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland oo Kormeeray Jaamacadda Cammuud ee Boorama

0
204

Boorama (Dawan): Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo safar shaqo ku jooga gobolka Awdal ayaa shalay soo kormeeray jaamacadda caanka ah ee Cammuud ee magaaladda Boorama.

Kormeerkaasi oo ay madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayeen xubno ka mid ah golaha wasiirrada Somaliland, iyo masuuliyiin kale oo weftigiisa ka mid ah iyo maamulka gobolka Awdal, waxa uu ku soo indho indheeyay qaybaha kala duwan ee ay Jaamacadda CaMmuud ka kooban tahay.

Madaxweyne ku-xigeenka iyo masuuliyiinta ku wehelinayay kormeerkaasi waxaa halkaa ku soo dhaweeyay maamulka jaamacadda Camuud, kuwaasoo uga warbixiyay hawlaha shaqo ee jaamacadda iyo qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay.

Cabdiraxmaan Saylici, oo ka hadlay kormeerkiisa ayaa sheegay in ay isaga sharaf u tahay inuu indhihiisa ku soo arko horumarka kala duwan ee jamaacadda Camuud ka socda, taasoo uu tilmaamay in ay nasiib u heleen dadka reer Boorama in ay magaaladoodda ku taallo.

Waxaanu yiydhi, “Sharaf bay ii tahay in aan soo gaadho Jaamacadda Camuud oo aan indhahayga ku arko horumarka balaadhan ee ka socda Jaamacadda Qaran ee Camuud, oo ay dadka reer Awdal nasiib u heleen in ay Boorama ku taalo tacab iyo fikir bada na ay waxgaradka iyo aqoonyahanku galiyeen aasaaskeedii, maanta na ay tahay mid aqoonyahan badan ee dalka wax ku bartay soo saartay”.

Geesta kale Cabdiraxmaan Saylici, ayaa ugu baaqay guud ahaanba bulshadda reer Somaliland in ay taageeraan horumarka waxbarashadda iyo jaamacadaha dalka ka hirgalay.

“Dhammaan shacabka reer Somaliland waxaan ku boorinayaa in ay ka qayb qaatan horumarka jaamacada, goobaha waxtarka leh ee u baahan in lagu horumariyo iskaashi” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Somaliland

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply