Guddida Baadhista Xasuuqa Somaliland oo Aqoon-korodhsi u tegay Dalka Ruwanda

0
177

 

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda cadaaladda Somaliland, Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ka anbabixiyay masuuliyiinta waaxda baadhista xasuuqa Somaliland, oo aqoon korodhsi la xidhiidha arrimaha xasuuqa u tagey dalka Ruwaanda.

Saleebaan Warsame Guuleed wasiirka cadaaladdu waxa uu sheegay in waaxda baadhista xasuuqa iyo ka hortaga danbiyada ee wasaaradda caddaaladda, in aqoonta ay ka soo bartaan ay ku kabi doonaan shaqadii ay hore ugu hayeen Qaranka.

Geesta kale waxa uu sheegay in tababarkan aqoon korodhsiga ah ee ay dalka Ruwaanda u tageen guddida baadhista xasuuqa Somaliland uu ka shaqeeyay madaxweynaha Somaliland, isla markaana uu gacan weyn ka gaystay anbabaxoodii.

Waxaanu yidhi.“Xasuuqii uu Somaliland taliskii gumeysiga ahaa ku sameeyay dhammaana hawlo badan ka soo qabtay gobollada dalka haddana raadad badan haya iyo aasaar badan oo ka dhalatay xasuuqa gacanta ku haya, lagama maar maan ayay noqotay in dalalka sideenaas oo kale inala midka ah inay aqoon korodhsi u tagaan, inay wax badan ka soo fahmaan iyaga oo muddo ku maqnaan doona dalka Ruwaandha.

Madaxweynaha Somaliland oo kaalin weyn ka qaatay sidii kooxdan baadhista xasuuqu ugu bixilahaayeen dalka Ruwanda qayb laxaadleh ka qaatay, iyaga oo wax badan ka soo faa’idaysan doona kuna kabi doona shaqadii hore ee ay Qaranka u hayeen,”

 

 

Leave a Reply