Markabkii ugu Waynaa uguna Dheeraa oo Markii ug u Horraysay ku soo Xidhay Dekeda Berbera

0
478

Berbera (Dawan):-Mid ka mid ah Maraakiibta ugu waawayn caalamka  ee  qaada Containers-ka  ayaa shalay  ku soo xidhay Dekedda Caalamiga ee Magaalada Berbera.

Markabkan ku soo xidhay Dekeda Berbera oo ah  nooca qaada Containers-ka  ayaa Dhererkiisu Dhanyahay 328-Mitir Magaciisu Yahay M/v Apl Newyor Loa.

Maareeyaha Hay,adda Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa sheegay inay tahay markii ugu horraysay ee Markab dhererkiisu dhanyahay 328 Mitir uu ku soo xidho Dekeda Berbera,

Eng Siciid  Xasan Cabdilaahi oo ka hadlayay  Markabka ku soo xidhay Dekedda Berbera.Waxa uu yidhi”Waa Maalin taariikhiya markabkii ugu weynaa ee abid   ku soo xidha Dekeda Berbera ayaa Maanta (shalay) Dekeda Berbera,kusoo xidhay.markabkaas oo dhererkiisu yahay 328 Mitir in badan ayaanu ka shaqaynaynay  in hawshani hirgasho.tacab badan dabadeed Maadaama oo ay ku qanceen Maraakiibta waaweyni isbedelka aanu ku samaynay Dekeda Berbera  in ay ku soo xidhaan.waxaanu qaadayaa 10 kun oo Koontiinar,waxaanan u mahadnaqayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.waxaanan rejaynayaa in markabka ku xigaana kan sii waynaan doono.”.

Sidoo kale Masuul ku hadlay Shirkada Dp World ayaa sheegay in sharaf u tahay shirkad ahaan in Dekeda Berbera uu ku soo xidho Markabkan ka mida Maraakiibta waawayn ee caalamka u kala goosha.waxaana uu tilmaamay in Shirkad ahaan ay ku dadaalayaan in Dekeda Berbera la jaan qaado dekedaha Caalamka.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply