Maalinka Qiyaame Iyo Kelinimada!

0
174

Dhammaantood Allah (sw) ayay u imanayaan Qiyaamaha iyaga oo keli, keli ah.”

Qiyaamaha waxa aad imanaysaa adigoo keli ah oo ka madhan xoolihii aad ururisay,  mansabkii sharafta lahaa ee ku mashquuliyay, Qoyskaagii ballaadhnaa ee aad ilaalin jirtay. Waxaana keli isku noqday adiga, camalkaagii iyo Allah (sw).

Markii uu boqor Saleebaan Al-qaanuuni ( waxa uu ahaa khaliifkii 80aad ee Muslmiinta) ku jiifay furaashka geerida ayuu kula dardaarmay dadkii hareero joogay in marka uu geeriyoodo laga saaro sanduuqa gacmihiisa, si dadku u ogaadaan in xataa Boqorku isagoo faro madhan uu dunida ka tegay.

Dhibaato ma leh in qofku u shaqaysto adduunyadiisa, balse waxa khasaare ah in uu ilaabo aakhiradiisa.

Dhibaato ma jirto haddii qofku uu gurigiisa quruxsito, laakiin waa in aanu qabrigiisa iloobin.

( Buugga Rasaa’il Min-Quraan, Bogga 44)

Leave a Reply