Labadii Ciyaartoy Xulka Faransiiska ee Sababta u ahaa in Benzema laga Caydhiyo Koobka Adduunka

0
327

Didier Deschamps ayaa maalin ka hor Koobka Adduunka waxa uu xulkiisa ka eryey Karim Benzema oo uu dhaawac fudud soo gaadhay, waxaana uu u sheegay inuu iska tago iyadoo waliba booskiisiina aan ciyaartoy kale lagu soo beddelin.

Benzema ayaa loogu soo marmarsiiyooday dhaawac fudud oo uu saddex maalmood oo kaliya kaga soo kaban karayay, waxaana waqtigaas uu Deschamps sheegay in laacibkani uu dhaawacan yahay.

Tababaraha xulka Faransiiska ayaa la sheegay in markii uu go’aanka qaadanayay ay laba ciyaartoy oo kale oo xulka Faransiiska ah ku qalqaaliyeen inuu qaato go’aanka Karim Benzema lagaga saarayo xulka.

Sida uu sheegay wariyaha Faransiiska ah ee Romain Molina, labada ciyaartoy ee Hugo Lloris iyo Antonie Griezmann ayaa u muujiyey Didier Deschamps in aanay ku faraxsanayn in xulka uu qayb ka ahaado Karim Benzema, waxaana sababta uu wariye Romain Molina ku sheegay in ay u arkayeen in uu kala wareegayo saamaynta ay ku leeyihiin xulka dhexdiisa iyo hoggaamintoodaba.

Molina ayaa intaa ku daray, in Lloris iyo Griezmann ay sidoo kale garab ka helayeen Olivier Giroud oo khilaaf muddo dheer socday uu u dhexeeyey Benzema, kaas oo isaguna u arkayay in uu Karim khatar ku yahay booskiisa weerarka oo uu kaydka u dhici lahaa haddii uu xiddiga Real Madrid sii joogi lahaa.

Deschamps oo marka horeba la rumaysan yahay in uu cadaawad aan la garanayn waxa ay salka ku hayso u qabo Karim Benzema ayaa go’aansaday inuu ka farxiyo saddexdan ciyaartoy ee kasoo horjeeda Benzema, waxaana uu weeraryahanka Real Madrid ka caydhiyey xulka.

Si kastaba ha ahaatee, Karim Benzema ayaa ku dhawaaqay inuu ka fadhiistay kubadda cagta Isniintii, kaddib markii sida muuqata uu arkay in Deschamps aanu u yeedhi doonin mar dambe.

 

Leave a Reply