Barcelona oo ku Dhaw Saxeexa mid ka mid ah Xiddigaha ugu Waaweyn Chelsea

0
196

Sida laga helayo saxaafada dalka Spain, Barcelona ayaa ku dhaw inay heshiis hordhac ah la gaadho burburiyaha khadka dhexe ee Chelsea ee N’Golo Kante.

Wargeyska Sport ayaa ah ka lagu qoray xogta in Kante ku dhaw yahay inuu heshiis hordhac ah lasii meel dhigo Barca xilli qandaraaskiisa Stamford Bridge dhacayo xagaaga dambe.

Dhaawicii ugu dambeeyay ee gaadhay Kante oo dhaawacyada u nugul dhawaanahan ayaa ah mid seejiyay Koobka adduunka balse kamuu hor istaagin in Blaugrana lala xidhiidhiyo.

Iyadoo wax ka yar lix bilood ka hadheen heshiiskiisa Blues ayuu Kante si degdeg ah u doonayaa inuu xaliyo mustaqbalkiisa.

Chelsea ayaa 31 sano jirkaas usoo bandhigtay heshiis cusub oo laba sano ah balse isagu waxa uu doonayaa saddex sano.

Wadahadalka uu Barca kula jiro ayaa si wanaagsan u horumaray sida lagu sheegay warbixinta Sport iyadoo agaasimaha kooxdaas ee Mateu Alemany toos ula xidhiidhayo 31 sano jirkaas.

Barcelona ayaa doonaysa bedelka kabtankeeda Sergio Busquets kaas oo isna sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Camp Nou ku jira isla markaana la filayo inuu ka dhaqaaqo halkaas xagaaga dambe.

Kante maaha dookha kaliya ee Xavi isha ku hayo balse sidoo kale Youri Tielemans (Leicester City) iyo Jorginho (Chelsea).

Leave a Reply