Wasaaradda Maalgashiga oo Wadda Qorshe u Sameynta iyo Hagidda Mashruuc kor loogu Qaadayo Maalgashiga iyo Maalgelinta

0
201

Hargeysa (Dawan):-Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo warshadaha Somaliland Maxamed Cismaan Siciid,   ahna guddoomiyaha guddida farsamo ee hagaysa mashruuca malgashi ee Nordic Horn of Africa Opportunities Fund, ayaa guddoomiyay kulankii koobaad ee shirka.

Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd qorshe u sameynta iyo hagidda mashruucan oo kor loogu qaadayo maalgashiga iyo maalgelinta, waxaana hadalo kooban ka jeediyay intii kulankani socday agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta Axmed Yaasiin Muxumed Cadde iyo madaxa EU ee Somaliland   Cadnan Saleeban Hagoog, iyaga oo tilmaamay muhiimadda mashruucani uu u leeyahay dalka isla markaana u wax weyn ka tari doono mustaqbalka Qaranka Somaliland.

Maxamed Soomaali agaasimaha guud ee wasaaradda maalgashigu waxa kale oo uu sheegay in dhawaan ka wasaarad ahaan ay fulin doonaan shaqo balaadhan oo wax badan ka baddeli doonta jawiga maalgashiga ee dalka, iyada oo ay daraasad iyo cilmibaadhis balaadhaan ka sameyn doonaan guud ahaan dalka oo dhan.

Agaasimu waxa uu intaas raaciyay in daraasadan ay la kaashan doonaan wasaaraddaha iyo hay’addaha xukuumadda ee ka masuulka ah khayraadka dalka ee la maalgashan karo, sida Beeraha, Macdanta, Kalluumaysiga, Xoolaha nool, tamarta, geedaha, dalxiiska, tiknoolajiyadda casriga ah.

 

Leave a Reply