“Cidna ka Aqbalimayno in Dalka la keeno Dawooyin aan Waafaqsanayn Habraaca Dhawrista tayada Somaliland.”

0
233

Hargeysa (Dawan):- Guddoomiyaha Hay’adda dhawrista Tayada Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali,ayaa sheegay in aanay cidna ka qabalayn in dalka la keeno dawooyin tayadoodu hoosayso oo aan  waafaqsanayn habraaha dhawrista Tayada Somaliland ee ay hay’adda dhawristu u dejisay.

Ka dib kulan ay Masuuliyiinta hay’adda dhawrista tayada Somaliland  la qaateen ururka soo dejiya dawooyinka ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (Diwo),  waxaaney kawada hadleen bedqabka dawooyinka dalka imanaya iyo sidii kor loogu qaadilahaa tayadoodaa.

 

Xamse Cabdi Ibraahim guddoomiye ku xigeenka dhawrista tayada Somaliland, ayaa ku adkeeyay madaxda ururka daawooyinka in aanay dalka sinaba u soo gelin dawooyin iyo agab caafimaad oo bedqabkooda iyo tayadoodu ka hoos marsan yahay tayada caalamiga ah ee dunidu isla oggoshahay.

Geesta kale waxa isna kulankaas ka hadlay guddoomiyaha ururka Diwa ayaa  ballanqaaday in ay si wacan ula shaqayn doonaan hay’adda dhawrista tayada, isaga oo intaas ku daray in ay markasta ka urur ahaan ay iska xil saaraan daawooyinka ay waddanka keenayaan sidii ay  u noqon lahaayeen kuwa tayo ahaan wanaagsan.

Gaba’gabadii guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada Somaliland   Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa sheegay in ka hay’ad ahaan ay  masuuliyadi ka saaran tahay ilaalinta bedqabka bulshada iyada oo laga hubinayo dhammaan wixii Dawo, cunto ama agab-caafimaad ah ee ay isticmaalayaan.

Waxaanu yidhi. “Dibedda ha laga keeno ama dalka gudihiisaba ha lagu farsamayo’e ee cidna ka aqbalimayno in dalka la keeno daawooyin    aan waafaqsanayn habraaca dhawrista tayada Somaliland, ee hay’addu u dejisey daawooyinka dalka imanaya.

Maanta laga bilaabana cid kasta oo wax la soo degaysa waxa laga doonaayaa oo waajib ku ah in ay raacdo ama dabbaqdo dhammaan qodobada aynu  maanta halkan ku kala qaadanay.”

Waxa uu intaas ku daray in dhaqangelinta qodobada muhiimka ah ee ay kawada hadleen ururka Diwo ay bilaabmeyso bisha koobaad ee sannadka cusub ee fooda innagu soo haya haddii ALLE yidhaahdo.

 

 

 

 

Leave a Reply