Fashilku waa Cashar Muhiim Ah!

0
198

 

Dyslexia, waa xanuun ku dhaca caruurta inkasta oo la sheegay in tiro yar uu ku dhaco, qiyaas ahaa caalamka oo dhan waxa la cadeeyay in 100 ah caruurba uu ku haleela 5% keliya.  Xanuunka ayaa ah mid la xidhiidh fahamka caruurta ee waxbarashada, dhowaaqa erayada, qoraalka iyo akhriskaba.

Marka aad ogaato in ilmaha yari ay ku adag tahay fahamka casharka, qoraalka iyo akhriska , maaha inuu maskaxdiisu hoosayso,  laakiin wuxu u baahan yahay in qaab gaar ah wax loogu dhigo.

In aanu ilamhaasi ahayn mid damiin ah oo aan waxba fahamyn isla markaana maskax xun waxa cadeeyay Maalqabeenka Sir Richard  Charles oo uu dhashay dalka Ingiriiska oo ah ninka asaasay shirkadda Virgin Atlantic ee dayuuradah oo maanta ka mid ah, shirkadaha ugu weyn duulimaadka caalamka.

Sir Richard  ayaa sheegay in uu ah mid ay ku adag tahay fahamka, dhowaaqa, qoraalka iyo akhriska casharada dugsiga isagoo sheegay in uu xata dhici jiray imtixaanka.

Macalimiinta iyo ardayda ayaa ku dhaleecayn jiray inuu yahay damiin aan waxba fahmin iyo in uu dugsiga iskaga baxo inta aanu wakhtigu ka dhicin madaama aanu ahayn qof waxbarashada maskax u leh.

Waxaana uu  sheegay inuu markii uu gaadhay da’da 15 sano uu iskaga baxay dugsiga markii uu adkaysan waayahay dhaleecaynta faraha badan oo ku keentay niyad jab xad dhaaf ah, madaama inta badan uu dhacayay imtixaanka. Xataa macalimiinta ayaa u yaqaan ardayga ugu saaqidsan dugsiga.  Laakiin markii uu ka hadhay waxbarashadii , sanadkii ku xigayba waxa uu sameyay wargeysa arrimaha ardayda ka faalooda, muddo yar ka dibna wuxu abuuray dukaan lagu iibiyo cajaladaha.

Dukaankasi aya ah goobta uu ka curiyay shirkadaha kala duwan ee maanta hantidiisa noqoday.  Noloshu waa buug weyn, haddii aad bog ama qayb ka mid ahi aad fahmi weydo maaha inay sidaasi wada tahay.   Richarad oo sanadkan da’diisu gaadhay 70 sano waxa dunida ku leeyahay 400 shirkadood oo kala duwan. Waxaana hantidiisa sanadkan 2022, lagu qiyaasay 4 billion doller., waxaana uu ka  mid noqday maalqabeenada dunida ee caanka ah.

Noloshu waa halgan lagu guulaysto hadba dhinaca adigu ku wanaagsan tahay ma jirto in aad qayb kastaa aan waxba ka qabin Karin.

 

Leave a Reply