Ciidammada Somaliland iyo Maraykanka ooka Wada Hdlay Iskaashiga Ammaanka Labada Dal

0
275

Taliyaha Ciidanka Qaranka oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Maraykanka ee Geeska Afrika

 Berbera-(Dawan):- Taliyaha Ciidanka Qaranka Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa kulan la qaatay taliyaha guud ee Ciidanka Maraykanka Geeska Afrika Sareeye Gaas Jami Shawley.

Labada taliye,ayaa ka wada hadlay iskaashiga ammaanka labada dal.

 

Wefdi ay hoggaaminayso Taliye Shawley oo booqasho ku timi magaalada Berbera ayay soo dhaweeyeen Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo saraakiil wehelinayey.

Taliye Nuux oo uu wehilayo Taliyaha ciidanka Illaalada Xeebaha iyo maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan,aya asoo dhaweeyay wefdiga Ciidamada Maraykanka ah, ee booqashada ku tegay magaalada Berbera, weftiga Maraykanka ayaa kormeer ku soo maray soona indha indheeyay  casriyeynta Dekedda Berbera.

Labada dhinaca aya ka wada hadley hannaankii loo diyaarin lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka ee labada wadan yeelan doonaan.

Booqashada wefdiga Ciidamada Maraykanka ayaa ku soo beegmaya xilli Baarlamaanka Maraykanku dhawaan ansixiyeen xeerka iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka  oo xilligan dhaqangalkiisu sugayo saxeexidda Madaxweynaha Maraykanka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply