Komishanka Doorashooyinka oo Magacaabay Guddida Anshaxa iyo Xallinta Khilaafaadka

0
191

Hargeysa (Dawan) Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa shalay magacaabay guddida anshaxa iyo xallinta khilaafaadka ee diwaangelinta codbixiyayaasha Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf, ayaa sheegay in magacaabista xeerkan ay u cuskadeen xeerka guud ee diwaangelinta iyo doorashooyinka ee Xeer Lr/91/2020 Qodobkiisa 139-aad, kaas oo sheegaya in guddida doorashooyinku soo saarayaan xeerarka anshaxa doorashooyinka iyo diwaangelinta iyo xeerka anshaxa warbaahinta xilliga doorashooyinka iyo diwaangelinta, isla markaana magacaabaya guddida anshaxa doorashooyinka iyo xallinta khilaafaadka marka uu la tashado daneeyayaasha kala duwan.

Muuse Xasan Yuusuf guddoomiyaha komishanka doorashooyinku waxa uu intaas ku daray in iyaga oo qodobkaas fulinaya in ay ku magacaabayaan kuna hawlgelinayaan guddidi anshaxa iyo xalinta khilaafaadka ee heer Qaran, waxa uu intaas raaciyay in ay rejo weyn ka qabaan in ay hawshaasi si fiican uga soo bixi karaan maadama ay yihiin rag waa weyn.

Dhanka kale guddoomiyaha guddida anshaxa ee komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland Aadan Xuseen Muxumed, ayaa ballanqaaday in ka guddi ahaan ay illaalin doonaan waxkasta oo anshaxa iyo dhaqanka suuban ee   Islaamka  ka hor imanaya, kuna saabsan hawlaha soo socda ee guddida doorashooyinka Qaranku qaban doonaan.

Guddoomiyaha guddida anshaxu waxa uu intaas raaciyay in ay xallin doonaan wixii khilaafaad ah ee ka yimaada  inta lagu guda jiro hawlaha, sidoo kale waxa uu soo jeediyay maalmaha soo socda hawlaha diwaangelinta in meel looga soo wada jeesto.

 

 

Leave a Reply