Wasiirka Warfaafinta oo kulan lagu Dardargelinayo Diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha la yeeshay Agaasimeyaasha waaxyaha

0
147

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-galinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa kulan lagu dar-dar-galinayo, doorka wasaaradda warfaafinta ee diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka dalka la yeeshay agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee wasaaradda warfaafinta.

Kullankaas waxa xoogga lagu saaray sidii hawl-wadeenada kala duwan ee wasaaradda warfaafintu kaalintooda uga qaadan lahaayeen wacy’gelinta iyo gaadhsiinta bulshada wararka iyo barnaamijyada la xidhiida diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacy’gelinta Somaliland ayaa masuuliyiinta waaxyaha kala duwan ee wasaaradda warfaafinta faray in ay dar-dargeliyaan baahinta wararka iyo barnaamijyada ku saabsan diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

Guud ahaan waxa lagu wadaa Somaliland in ay si rasmi ah uga bilaabanto hawasha diiwaan-gelinta codbixiyeyaashu 28-ka bishan aynu ku jirno, iyadoo komishanka doorashooyinka qarankuna ay ku hawlan yihiin qabsoomida diiwaan-gelintaas.

 

 

Leave a Reply