Saamaynta Wanaagga Adiga ha Lagaa Arko!

0
144

Guddoomiyaha deegaanka ayaa dadkii u jeediyay khudbad waxaana uu ku dhiira geliyay inay midoobaan oo isku duubnaadaan isla markaana isa saamaxaan. Waxaanu u sheegay in haddii aan la is cafiyin aanay samayn karayn horumar iyo wax wada qabasi.

rWaxa uu ku dhiirigeliyay in qof kastaa wixii uu ka cadhooday ee lagu sameeyay iska dhaafo oo ilaabo.ย  Markii uu khudbadii iyo waanadii dhameeyay ayay gabadhiisa oo ka mid ahayd dadkii gaadhigiisa ku soo qaaday, mudadii ay dhexda ku soo jireen ayay ku tidhi :โ€ย  waxaan doonaya inaan arrin ku sheego waayo waxa saamayn igu yeeshay waanadii aad jeedisay. Ninka ayaa ku yidhi ii sheeg. Waxaanay ku tidhi: โ€Saacadii dahabka ahayd ee aad iibisay ayaan dib u xaraashay, waayo waxaan u baahday lacag, markaa waxaan doonayaa inaadย  arinkaasi iga cafido oo aad isaamxadoโ€.

Ninkii ayaa gaadhigii joojiyay isagoo aad u cadhaysan ayuu ku yidhi :โ€ Waxaan aad ku hadalayso waa maxay? , waxaad samaysay tuugo, mana dhici karto! Tuugo maa la saamixi karaa? โ€œ.

Gabadha oo dhoola cadaynaysa ayaa tidhi: โ€œ Waar gaadhiga inoo kexee saacadna maan iibine, waa tan gacantayda ku xidhane, waxanse la yaabay, cafiska aanad adiguba samayn karin sida aad dadka ugu waaninayso, dadka aad u sheegayso inay is cafiyaan xumaan kala duwan ayaa dhex martay,! Adigoon xataa xaaskaaga cafin Karin sideed bulsho kale ugu waanin cafiska?,

Waxa fiican in arrinka kasta oo aad dadka ku waaninaysa uu noqdo mid aad adigu samayn karto,ย  Dad badan ayaa arrimo iyaga ku adag dadka kale ku dhiirgeliya samayntooda.

 

 

 

 

 

Leave a Reply