Dhakhaatiir 52 birood ka soo saaray caloosha wiil yar oo u digay waaliddiinta

0
277

waxaynu ku soo qaadan doona Hooyo  wiilkeeda oo afar jir ah uu geeri u dhawaaday kaddib markii uu liqay 52 bir oo uu ka soo saaray qalab uu ku ciyaarayay,    ayaa waaliddiinta ku boorrisay inay ka digtoonaadaan khataraha.

Dhaqaatiirta ayaa kaadi-heysta Jude ka jeexay illaa shan meel halkaasoo birahu ay galeen, iyada oo hooyada Lyndsey Foley dhashay ay sheegtay inay ka baqeysay in wiilkeeda uu dhinto.

Waaxda Caafimaadka ee Wales, dalka Ingiriiska (PHW) ayaa dadka ugu baaqay inay fekeraan kahor inta aanay  carruurtooda u soo iibin alaabaha ay ku jiraan biraha yaryar iyo bateriyeyaasha sida guluubka ama badhanka u sameysan.

Ms Foley, oo 34 jir ah, ayaa sheegtay inuu walaac galay kaddib markii wiilkeeda oo haatan shan jir ah, uu ka bixi waayay xanuun muddo siddeed toddobaad ah.

Kaddib markii walaaceeda uu kordhay, bishii August waxay Jude u qaadday cisbitaalka Prince Charles Hospital isagoo markaa dareemayay xanuun daran, waxaana arrintan lagu ogaaday kadib markii baadhitaan iyo sawir la saaray.

 

Leave a Reply