Isu’duwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Maroodijeex oo kala diray shaqaalaha Caafimaadka ee tallaalka isku-dhafan ee Jadeecada iyo Dabaysha

0
404

Qodobka labaad ee banraamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doonaa Isu’duwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Maroodijeex  Dr. Cabdicasiis Cumar Muuse, ayaa maanta kala diray shaqaalaha Caafimaadka ee talaalka isku-dhafan ee Jadeecada iyo Dabaysha, kaas oo laga fulinayo gobolka Maroodijeex iyo degaanada hoos yimaada.

Isu’duwe Cabdicasiis ayaa kooxaha caafimaadka ee talaalkan fulinaya ku adkeeyay inay sida ugu habboon ugu adeegaan bulshada, isla markaana iska xilsaaraan in adeeg bixin caafimaad oo hufan ay siiyaan qaybaha kala duwan ee bulshada ay la kulmayaan.

Geesta kale waxa uu bulshaweynta ku nool gobolka Maroodijeex iyo degaanada ku teedsan ka codsaday in ay ka faa’idaystaan tallaalka isku dhafan ee Jadeeacdda iyo Dabaysha, si hoos loogu dhigo xannuunka Jadeecada ee sanadkasta galaafta carruur tiro badan.

Leave a Reply