FIFA oo Shaacisay Goolkii ugu Quruxda Badnaa Koobka Adduunka

0
421

Xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa shaaciyey goolkii ugu quruxda badnaa Koobkii Adduunka ee Axaddii lasoo gabogabeeyey, kaas oo ay ku tartameen dhawr ciyaartoy balse looga hadhay xiddiga Brazil ee Richarlison.

Weeraryahanka Tottenham ayaa gool qurux badan oo uu kubadda isku-laba rogay ka dhaliyey ciyaaartii koowaad ee Koobka Adduunka ee ay 2-0 ku garaaceen Serbia, taas oo uu labada goolba isagu dhaliyey.

25 jirkan ayaa sidoo kale diiwaanka goolasha isku qoray kulankii South Korea ay 4-1 ku karbaasheen, hase yeeshee goolkiisii kulankii Serbia ee uu sida qalaama-rogodka ah u dhaliyey ayaa noqday kii ugu quruxda badnaa Koobka Adduunka.

Kylian Mbappe iyo Neymar Jr ayaa ahaa labada ciyaartoy ee kale ee kula tartamayay abaal-marinta xiddiga ugu goolka quruxda badan, waxayse FIFA habeen hore shaacisay in Richarlison uu goolkiisu yahay kii tartanka Koobka Adduunka ee Qatar ugu qurux badnaa.

Vinicius Junior ayaa kubadda kasoo dhiibay dhinaca midig, waxaana xerada ganaaxa ku qabtay Richarlison oo markaas kaddibna kubadda oo dallacantay qalaama-rogod sameeyey oo laaday, sidaasna kaga dhaliyey goolhaye Vanja Milinkovic-Savi.

Goolkan ayaa waxay tartamayeen goolkii quruxda badnaa ee Neymar uu ka dhaliyey Croatia ee uu dersinka ciyaartoyda ah kubadda kala sii dhax-baxay iyo goolkii labaad ee Kylian mbappe uu ka dhaliyey Argentina, hase yeeshee Richarlison ayaa labadoodaba ku garaacay.

Leave a Reply