Isku Aadka Copa del Rey oo lasoo Saaray – Real & Barca oo Nasiib Wanaagsanaaday

0
296

Isku aadka wareega 32da ee Copa del Rey ayaa la soo saaray iyadoo kooxaha waa weyn ee Barcelona iyo Real Madrid uu nasiibka saaciday iyagoo ku kala aaday kooxo heerarka hoose ah.

Real Madrid waxay u safreysa gobolka madaxa banaan ee Extremadura iyagoo la ciyaaraya kooxda heerka labaad ee Cacereno.

Kooxda FC Barcelona waxay iyadana u safreysaa kooxda Intercity oo ka ciyaarta horyaalka heerka seddexaad ee dalka Spain.

Kooxda difaacaneysa koobka ee Real Betis waxay marti u noqon doontaa Ibiza-Pitiusas halka Valencia ay iswajihi doonaan kooxda La Nucia

Real Sociedad waxaa loo balamiyay kooxda Logrones iyadoo Athletic Bilbao ay la dheeli doonto Eldense.

Osasuna iyo Nastic ayaa iswajahaya halka Mallorca ay la ciayari doonto Pontevedra.

Isku Aadka Wareega 32da Ee Copa del Rey

CD Ibiza-Real Beti
CP Cacereño-Real Madrid
Inter City-FC Barcelona
La Nucia-Valencia
UD Logroñes-Real Sociedad
Eldense-Athletic
Nastic-Osasuna
Pontevedra-Mallorca
Linares-Sevilla
Ceuta-Elche
Alaves-Valladolid
Levante-Getafe
Oviedo-Atletico Madrid
Cartagena-Viillarreal
Sporting-Rayo
Espanyol-Celta

Wareega 32da Copa del Rey waxaa la ciyaari doonaa maalmaha 3da, 4ta iyo 5ta bisha Janaayo ee sannadka soo socda ee 2023ka.

Leave a Reply