Kulan lagaga tashanayay tayenta Jaamacadaha bixiya aqoonta Cuulunta caafimaadka oo ka Qabsoomay wasaaradda Caafimaadka Somaliland

0
188

Barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona agaasimaha guud ee wasaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo xafiiskiisa ku qaabiley  agaasimaha guud ee tacliinta sarre, guddida mihnadlayaasha caafimaadka, masuuliyiin ka socday jaamacadaha dalka ee bixiyay culuunta caafimaadka.

Kulankaas saddex geesoodka ahaa ee ka qabsoomay xafiiska agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, ayaa diiradda lagu saaray tayaynta jaamacadaha dalka ee bixiya aqoonta caafimaadka iyo dardargelinta dhakhaatiirta xilliga gaba’gabada waxbarashada ku qaadanaya cisbitaalada dawladda.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeya agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, ayaa sheegay in kulankani yahay mid mihiim u ah geedi socodka horumarinta caafimaadka dalka iyo sida ay ugu heelan yihiin sidii kor loogu qaadilahaa tayada iyo aqoonta dhallinyarada ku hawlan barashada culuunta caafimaadka.

Dr. Xergeeye waxaa uu xusay in ka wasaarad ahaan ay markasta ka go’an tahay kor u qaadista iyo horumarinta adeeg bixinta caafimaad ee dalka iyo sidii loo helilahaa dhakhaatiir khibrad iyo aqoon u leh adeeg bixinta caafimaad ee ay bulshada u qabanayaan.

Leave a Reply