Madaxweynaha Maraykanka oo Dhaqangeliyey Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo USA

0
346

Curinta xeerkan ayaa ku yimi dedaaladii socdaalkii  Madaxweynaha Somaliland ku tegay Maraykanka

Washington-(Dawan):- Madaxweynaha dalka Maraykanka Mudane Joe Biden ayaa shalay dhaqangeliyey xeerka Iskaashiga Somaliland  iyo Maraykanka oo hore goleyaasha Wakiiladda iyo Guurtida ee dalkaasi ay  u soo ansixiyeen.

Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka oo qeyb ka ahaa Xeerka difaaca Maraykanka ayaa qoraal shalay ka soo baxay Guriga Cad ee Maraykanka  lagu sheegay in Madaxweynahu saxeexay, isla markaana uu dhaqan gal noqday.

Xeerkaas oo muddo diyaarintiisu soo socotay isla markaana uu soo diyaariyey Xildhibaan Chris Smith ayaa ka dalbanaya Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka inay soo saarto warbixin sannadle ah oo ku saabsan suurtogalnimada xidhiidh rasmi ah oo Maraykanka iyo Somaliland ah iyo “fursadaha iskaashiga ee arrimaha amniga gobolka.”

Warbaahinta Caalamka oo faallooyin ka qortay Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka ayaa jariidada Politico ku sheegtay “Taasi waxay ka tarjumaysaa guusha Somaliland ay ku sheegtay inay taageersan tahay Maraykanka iyo xoogagga taageersan Taiwan ee ka soo horjeeda saamaynta is-ballaadhinta Shiinaha ee Geeska Afrika.

Curinta xeerkan ayaa ku yimi dedaaladii wedfigii uu hoggaaminayay  Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biix Cabdi uu ku tegay dalka Maraykanka.

Waxaana midho dhal noqday guulihii socdaalkaas ee Madaxweyne Muuse uu kula kulmay madaxda dawladda Maraykanka.

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply