Madaxweyne ku-xigeenka oo Xadhigga ka jaray Mashaariic laga Hirgeliyay Oodweyne Kuwo kalena Dhagax Dhigay

0
312

Oodweyen (Dawan):-Madaxweyne ku-xigeenka  Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo muddooyinkii u dambeeyay safar shaqo ku marayay gobolada bari ee dalka ayaa shalay xarunta gbolka Daad-madheedh ee Oodweyne Mashaariic laga hirgeliya xadhiga ka jaray kuwo kale oo hadda laga bilaabayona dhagax dhigay.

Madaxweyne ku xigeenka iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo ku maraya gobolada bari ee dalka ayaa shalay magaalada Oodweyne ee Xarunta gobolka Daad-madheedh  xadhiga ka jaray waddooyin cusub oo casri ah oo magaalada Oodweyne laga hir geliyay lagana maal geliyay Mashruuca GPLG-ga

 

Madaxweyne ku-xigeenka  Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)
ayaa  sheegay in socdaalkiisu la xidhiidhay sidii  ay usoo kormeeri la haayeen Mashruuca JPLG ee laga hirgaliyay degmooyinka dalka.Waxaanu yidhi”Waxaan hambalyaynayaa Maamulka Gobolka Daadmadheedh iyo ka degmada iyo dadweynaha reer Oodweyne ee sida sharafta leh noo soo  dhaweyey,waxaanu ku jirnay kormeerkii Mashruuca JPLG oo sannadkii mar aanu soo marno.waxaana Mashruucani  hagaajiyaa maamulka iyo isla,xisaabtanka, waxaanan u mahadnaqaynaa Dawladaha hoose oo shaqada u qabtay sidii loo baahnaa inta badan.taasina ay keento in ay hagaagaan baahiyihii aasaasiga ahaa,”.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Cimilada
Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo ka mid ahayd weftiga Madaxweyne ku xigeenka  ayaa uga mahadnaqday Shacabka Oodweyne sida ay usoo dhaweeyeen.Waxaanay yidhi”Waxaan idiinka mahadcelinayaa sida qiimaha leh ee aad noo soo dhawayseen,markasta  oo aanu idiin nimaadno,”.

Guddoomiyaha Gobalka Daadmadheedh Maxamed Diiriye Xayd ayaa waxa ku amaanay shacabka Magaalada Oodweyne sida ay usoo dhaweeyeen madaxweyne ku Xigeenka Somaliland.Waxaana uu yidhi”Sida  dadweynuhu idiin soo dhaweeyeen ayaa ka turjumaysa jacalka ay idin jecelyihiin,iyaga oo kala ahan Axsaab ayay u diyaargaroobeen soo dhaweyntiina aad ayaan ugu mahadnaqayaa,”.

Leave a Reply