Markii la Doortay Ayuu Dhintay!

0
350

Madaxweynihii dalka Baraasiil ee lagu magacaabi jiray Mr.Tancredo de Almeida Neves waxa uu ku dhashay dalkaasi bishii March 4, sanadkii 1910.  Waxaa uu noqday  Garyaqaan, Ganacsade iyo siyaasi weyn oo caan ka dalkaasi. Waxaana uu noqday  Wasiirka Caddaaladda iyo Arimaha Gudaha sanadkii 1953 ilaa 1954. Isagoo sanadkii 1961 -1962 wasiirka Maaliyadda iyo  Raiisel wasaare.

Sanadkii 1985 waxa uu galay doorashada madaxweynimo ee dalkaasi , waxaana uu khudbad ku jeediyay erayo gef ah oo kibir, isla weyne iyo jeesjees ah, waxaana uu yidhi: ” Haddii aan helo cod gaadhaya 500 kun, Ilaahayna ima diidi karo inaan noqdo madaxweyne” .

Xaqiiqdii wuu helay codadkii uu sheegay waana uu ku guulaystay jagada madaxweynaha ee dalkaasi, laakiin xanuun ayuu ku soo booday, ka dib markii uu guulaystay. Waxaana uu xanuunkaasi uu dhintay maalin ka hor wakhtigii loo caleemo saari lahaa jagada madaxweynaha cusub. Mr.Tancredo waxa uu noqday madaxweynihii la doortay ee aan weligii ku fadhiisan kursiga madaxweynaha. Inkasta oo aanu kursiga madaxtinimada ku fadhiisan haddana dalkaasi waxa uu ku jira liiska madaxweynayaasha madaama la doortay.

Leave a Reply