Natiijada Kibirka iyo Islaweynida! Farqiga denbiyada Nebi Adam Iyo Ibliis!

0
277

Farqi weyn ayaa u dhexeeya qofka xumaanta samaynaya isaga oo daciif ah oo niyad jabsan iyo ka fulinaya xumaanta isaga oo islweyn oo kibirsan, oo aan waxba u arkayn.

Aad ayay u kala duwan yihiin qofka xumaanta samaynaya oo marka aad waaniso ku odhanaya :” Isoo ducee, wax iga xoog batay rabitaankayga, nafta iyo shaydaana waa ay ii quruxiyeene”.

Iyo ka marka aad waaniso kuugu jawaabaya :” maxaa dhib ah ee ku jira, waa nolol keliya iska raaxayso oo buuqa yarayso “.

Qofka hore in uu Allah (sw) usoo laabto waa ay fududahay waayo dhibta haystaa waa xubnihiisa iyo doonista shahwaadka nafta. Laakiin qofka danbe ee kibrisan waa mid ay adag tahay soo noqodkiisu waayo mid qalbiga ka buka.

Sufyaan Ibnu Cuyayna Waxa uu odhan jiray :” Qofka macsiyada ugu dhaca doonista naftiisa keliya, wanaag iyo khayr ayaan u rajayanyaa, laakiin ka kibir u geeyo waan u cabsadaa,  Waayo Nebi Adan Allah ayuu caasiyay isaga oo xumaanta jeclaysanaya, waana loo dembi dhaafay, laakiin Ibliis Allah ayuu caasiyay isagoo kibirsan , Ilaahayna naxariistiisa ayuu ka fogeeyey”.

(Buugga : Rasaa’l Al-Quraan Bogga 24)

Leave a Reply