Sool:Ganacsatadda iyo Shaqaalaha Dawladda oo Qaadhaan Lacageed soo Gaadhsiiyay Guddiga Taakulaynta Suuqa Waaheen

0
164

Hargaysa (Dawan): Ganacsatadda magaaladda Laascaanood iyo shaqaalaha dawladda dhexe ee Somaliland ee gobolka Sool ayaa caaawimo lacageed soo gaadhsiiyay guddiga heer qaran ee taakulaynta suuqii gubtay ee Waaheen ee magaaladda Hargaysa.
Waxaana qaadhaankaasi lacageed guddiga taakulaynta suuqa Waaheen soo gaadhsiiyay maayarka degmadda Laascaanood Cabdiraxiiin Cali Ismaaciil, oo uu u soo wakiishay Guddoomiyaha gobolka Sool, isla markaana magaaladda Hargaysa kaga wareejiyay guddiga taakulaynta suuqii gubtay ee Waaheen.
Isagoo maayarka Laascaanood qaadhaankaasi lacageed ku wareejiyay guddoomiyaha guddiga heer qaran ee taakulaynta suuqii gubtay ee Waaheen Cabdirasaaq Xuseen Al-baani, ahna wasiirka wasaaradda Diinta iyo Aw-aafta Somaliland.
Caawimadaasi lacageed oo qadarkeedu dhan yahay $31830, ayay soo bixiyeen ganacsatadda dhexe iyo kuwa hoose ee magaaladda Laascaanood, iyo sidoo kale shaqaalaha dawladda dhexe ee Somaliland ee gobolka Sool.
Maayarka Laascaanood Cabdiraxiiin Cali Ismaaciil, oo qaadhaankaasi lacageed ee ay soo dhiibeen ka warbixiyay waxa uu yidhi, “Anigoo ku hadlaya afka golaha deegaanka ee degmadda Laascaanood, ka na wakiil ah guddoomiyaha gobolka Sool. Waxaan halkan ku wareejinayaa caawimo kooban oo reer Sool ay kaga qayb qaadanayaan, masiibadii ka dhacday suuqii Waaheen.
Caawimadaasi oo ka timid laba dhinac oo kala ah, ganacsatadda hoose, iyo dhexe ee magaaladda Laascaanood,iyo shaqaalaha dawladda dhexe ee Somaliland ee heer gobol, ee gobolka Sool. Caawimadaasi lacageed oo dhan $31830, ka na kala timi labadaa qaybood”.
Cabdiraxiiin Cali Ismaaciil, waxa uu sheegay in caawimadani ay tahay mid kooban, hase yeeshee ay muujinayso hiilka ka dhexeeya ummada reer Somaliland. Maayarka ayaa intaasi raaciyay in ka degmo ahaan ay degmadda Laascaanood hore uga qayb qaadatay caawimadda suuqii gubtay ee Waaheen.
Iyadoona ahayd degmadii ugu horaysay ee ka soo jawaabtay baaqii guddiga taakulaynta suuqa Waaheen, markii uu gubtay horaantii sanadkan.“Waa caawimo kooban. Laakiin, waxay muujinaysaa hiilka ka dhexeeya ummada reer Somaliland. Waxaanay kaga qayb qaadanayaan musiibadii ka dhacday suuqii Waaheen, ee ku dhacday walaalahood.
Ka degmo ahaan, degmadda Laascaanood hore ayay uga qayb qaadatay caawimadda suuqii gubtay ee Waaheen. Waxaanay ahayd degmadii ugu horaysay ee baaqii guddiga ka soo jawaabtay ayaanay ahayd, markii uu suuqii gubtay. Maanta na waxaanu sid naa tii shacabka Laascaanood, iyo shaqaalaha dawladda dhexe ee gobolka Sool” ayuu yidhi maayarka Laascaanood.
Geesta kale guddoomiyaha guddiga heer qaran ee taakulaynta suuqii gubtay ee Waaheen C/rasaaq Xuseen Al-baani, oo caawimadaasi kala wareegay maayarka Laascaanood ayaa ganacsatadda Laascaanood iyo shaqaalaha dawladda dhexe ee Sool uga mahad celiyay caawimadan ay soo gaadhsiiyeen.
Waxaanu yidhi, “Waxaanu halkan kula wareegnay, anagoo ah guddigii heer qaran ee taakulaynta iyo gurmadka suuqa Waaheen caawimo lacageed oo aanu ka guddoonay maayarka magaaladda Laascaanood, lacagtaasi oo dhan $31830, lacagtaasi oo ay ugu tallo galeen in ay kaga qayb qaataan, dib u dhiska musiibadii qaranka ee ka dhacday suuqa Waaheen, ee caasimadda Hargaysa.
Waana markii labaad oo ay caawimo noo keenaa, iyadoo markii hore dawladda hoose ee Laascaanood ay si mug leh uga soo qayb qaateen, kana mid ahaayeen dawladaha hoose ee dalka ee ugu soo horeeyay”.
“Maanta na ganacsatadii dhexe, iyo kuwii hoose ee Laascaanood, iyo shaqaalaha dawladda dhexe ee Sool qayb ka mid ah, ayaa qaadhaankii ay soo ururiyeen, oo dareenkoodda walaalnimo, iyo muslin-nimo ay kaga qayb qaadanayeen, taakulaynta dadkii hantidooda ku waayay suuqa Waaheen, aanu halkan kaga guddoon-nay. Aad iyo aad ayaanan ugu mahad naqaynaa” ayuu yidhi wasiir Al-baani.

 

Leave a Reply