Xildhibaano ka Tirsanaa Xisbiga UCID oo ku Biiray Xisbiga KULMIYE

0
357

Boorama(Dawan):-Saddex  Xildhibaan oo  ka soo baxay xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ugana soo baxay golaha deegaanka degmada Boorama,ayaa si rasmi ah ugu biiray xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE.

 

Xildhibaan Liibaan Cali Cilmi Xildhibaan Cabdiraxmaan Abiib Rabiile iyo Xildhibaan  Axmed Khayre Maxamuud oo ka tirsan Golaha Deegaanka Magaalada Boorama oo ka soo baxay Xisbiga UCID oo ku biiray Xisbiga KULMIYE

Munaasibad lagu soo dhawaynayay saddexda Xildhibaanadan ee kusoo  biiray Xisbiga
KULMIYE ee ka soo baxay Xisbiga UCID oo lagu qabtay Huteel Saw ee  Magaalada Boorama ayaa waxa ka soo qaybgalay Guddoomiye ku Xigeenka 2aad  ee Xisbiga KULMIYE  Axmed Cabdi  Xuseen Axmed Cabdidheere Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad Saajin Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Axmed Aadan Buuxane
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Aamina Cilmi Fariid Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Siciid Xasan Habbane iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa  sheegay in Xildhibaanadu yihiin  awood culus oo ku soo biirtay Xisbiga Kulmiye.Waxaanu yidhi”Xildhibaanada sharafta leh ee ku soo biiray Xisbiga Kulmiye aad iyo aad ayaan idiin soo dhawaynayaa,Xildhibaanadu waxa ay keeneen shacabkoodii oo ay hoggaaminayaan.waa awood culus oo ku soo biirtay Xisbiga Kulmiye,”.

Guddoomiye ku Xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere  ayaa Sheegay inuu  soo dhawaynayo Xildhibaanada ku soo biiray Xisbiga Kulmiye.Waxaanu yidhi”Xildhibaanada Xisbiga Kulmiye ku soo biiray waan  soo dhawaynaya, bulshada gobolka Awdalna waxaan ku guubaabinayaa inay ka qayb-qaatan qaadashada kaadhka cod bixinta,”.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Aamina Cilmi Fariid oo hadal ka jeedisay halkaas ayaa  tilmaantay inay  farxad u tahay in xildhibaanadu ku soo biiraan Xisbiga Kulmiye.Waxaanay tidhi”Farxad gaara ayay ii tahay maanta,waxaanan soo dhawaynayna Xildhibaanada ku soo biiray Xisbiga Kulmiye,”.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Axmed Aadan Buuxane  oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu yidhi”Waxaan leeyahay soo dhawaada shaqo adag ayaa Ina Sugaysa,kuna soo dhawaada Xisbiga Kulmiye,”.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Siciid Xasan Habane oo isaguna hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu soo dhaweeyay  Xildhibaanada ku soo biiray Xisbiga Kulmiye.Waxaana uu yidhi”Waxaan Hambalyaynaya Masuulyiinta Xilka Qaran Haya ee Cududoodii iyo Caqligoodiiba Iskugu Keenay Xisbul Xaakimka Kulmiye’,’.

Sidoo kale  Xildhibaan Liibaan Cali Cilmi Balaaki oo ka mid ah  Xildhibaanada ka soo baxay Xisbiga UCID
oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa  sheegay in uu ku soo biiray Xisbiga Kulmiye.Waxaanu yidhi”Waxaan halkan maanta(shalay) ka caddaynayaa in aan ka baxay xisbiga Ucid oo aan ku biirnay xisbiga Kulmiye”

 

 

Leave a Reply