WEEDHA WARGEYSKA Jamhuuriyadda Somaliland ma sii eegan karto dhismaha Cadowgeeda

0
353

Adduun nabad ah, xasilooni ku naaloonayo, xuquuqda aaddamaha iyo xoriyadda nololshuna ay yihiin laguma xad-gudbaan, waa arragtida iyo mabaadi’da siyaasaddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland, hase yeeshee taas waxaan saamaxayn duruufaha ku lammaan hirdanka dawladdaha iyo dadyowga hayaankooda oo u socda heer caalami, qaaraddeed iyo mid gobol. Isbedellada isriixaya ee aaddamuhu samaynayaa waa kuwo ku imanaya sahamin iyo qorshe, waxaana hogaaminaya waaqica iyo waayaha sii adkaanaya. Dawladdaha horumaray iyo kuwa ku jira marxalada koritaanka horumarka ee caalamka oo ay kamid tahay Somaliland  waxa ay halgan ugu jiraan gaadhista yoolalka u degsan iyo  maareynta mashaakilaad ku gedaaman safarkooda.

Jamhuuriyadda Soomaaliland waxa ay aaminsan tahay mabaadi’ida aayo-ka-talinta ummadaha adduunka, in khilaafaadka siyaasiga ah lagu xallilo dariiq nabadeed iyo wada-hadal, isla markaana la dhawro jiritaanka soohdimaha dalalka kale.
Waxaanay ku dedaalaysaa in colaadaha raagay ee dhex oolli jiray dalalka Geeska Afrika lagu beddelo is af-garad iyo isku soo dhawaansho.

Hase yeeshee,waxa xaqiiqo ah in astaamaha ka muuqda dhaqdhaqaaqyada ay samaynayaan qaar ka mid ah wadamada deriskeeda ah ay muujinayaan hinfi colaaddeed iyo cawaaqibyo fool xun oo aan la mahadin doonin mustaqbalka, haddaan wakhtigan laga hortegin oo aanay Duwalka caalamku si dhaba ugu haggoogan dhibaatooyinka sida Kaaha Waaberiga muuqaalkoodu isu soo tarayo.

Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, sida uu qeexay qodobka labaad ee Dastuurku wuxuu fidsan yahay bed (Area) ahaan dalkii Ia
odhan jirey Maxmiyadda Somaliland oo tilmaan ahaan ku yaalla dhigaha (Latitude) 8° ilaa 11° 30′ Waqooyiga Dhulbadhaha iyo loolka (Longtitude) 42° 45′ ilaa 49° Bariga, waxaanay soohdimihiisu ka kooban yihiin beriga1 jasiiradaha, biyaha gobolleed, dhulka iyo badaha hoostooda, hawada sare iyo xeebleyda (Continental shelf).
waxay xad la wadaagtaa dhinaca Waqooyi Gacanka
Cadmeed, dhinaca Bari Soomaaliya, dhinaca Koonfureed iyo dhinaca Galbeed Jamhuuriyadda Federaalka ah ee ltoobiya, dhinaca Waqooyi Galbeed Jamhuuriyadda
Jabuuti, Dhulkiisuna waa muqaddas aan lagu xad gudbi Karin.

Saddexda dal ee xuduuddaha la wadaaga Jamhuuriyadda Somaliland laba kamida (Itoobiya iyo Djibouti) waxa ka dhexeeya ixtiraam wanaagsan derisnimo iyo Iskaashi ku taxaluqa nabad-gelyada iyo xidhiidh dhaqan-dhaqaale oo bulsho, inkasta oo aanay 32 sannadood ku dhiiran inay taageero buuxda u muujiyaan qadiyadda Siyaasaddeed Qaranka. Hase ahaatee meesha dabku kaga hurayo ee daandaansiga iyo dagaalka joogtada ahi kaga socdaa waa Dalka dawladnimadiisu fashilantay ee Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya waxa isku-tolay jibbo Soomaali-weyn nus-qarni ka hor raadinteedu gudhay, taasoo markii la waayey ku keliftay Dadka reer Somaliland inay la soo noqdaan madaxbanaaniddoodii dalnimo ee ay 1960-kii ka qaateen Maxbiyaddii Ingiriiska, waxaana la soo noqoshada xornimada kaga dhintay boqolaal kun oo qof,kumanaan kalena way ku dhaawacmeen, iyadoo hantida ay ku waayeenna aanay caddad iyo xisaab toona lahayn. Dadka reer Somaliland dib ula soo noqoshada gooni-isu-taagoodu halkii ugu  iman lahaa nabad-gelyo iyo doonis umaddeed in loogu tix-geliyo waxa la gaadhsiiyey heer lagu xasuuqo maatida iyo magaynada inay khasab kaga sii mid noqdaan dal la yidhaahdo Soomaaliya oo aan xaq iyo xuquuq toona looga ogolayn.

Umadda Somaliland, Iyada oo ay qabto dhibaatadaasi xasuuqa iyo burburka isugu jira ee uu u geystay nidaamkii ka talinaayey Muqdisho, markii ay halgan hubaysan ku hantiyeen dalkooda, waxa ay dib u unkadeen nidaam dawladdeed oo laga bilaabay garoon bannaan (Zero level), waxaana taas bilow u ahaa in la xakameeyey in jabhadii hubaysnayd ee Waddanka qabsatay ay sii wadaan dagaalka ama ay ka aarsadaan kuwii taageersanaa nidaamkii xididda loo siibay.

dhismihii dawladnimo ee curtay 1991-kii (JSL) markii uu xoogaystay ee uu yeeshay quwada Ciidamada iyo maamulka hogaamineed kama ay suurto-gelin inuu qaado tallaabooyin liddi ku ah dadka ku nool dhulka Soomaaliya, taasoo ahayd arrin laga fili karayey inuu dhul ka qabsado ama burbur kale u geysto(Aar-goosi), laakiinse taako kumay xad-gudbin soohdinta Soomaaliya, sababtuna waxay ahayd aanay mashaakilaadkii iyo burburkii uu u horseeday nidaamkii xumaa aanay mid kale ugu darin, waxaana si gobonimo leh loogu soo dhaweeyey Laascaanood ilaa Boorama boqolaal kun oo ka soo qaxayey Dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Bay, Banaadir iyo gobolada kale ee Dalkaasi.

Haddaba, iyadoo ay Somaliland samaysay dariiq kasta oo ay ku kala badbaadi karaan laba dal oo Soomaaliyeed oo degelka wada yaallaa, horena ay gacmaha uga laabatay ficillo fal-celineed oo la gudboonaa, qabtana dilkii iyo dibin-daabyadii gabood-fallada ahaa ee uu kula kacay maamulkii Xamar fadhiyey, isla markaana xabaal-wadarreedyadii shacbiga la xasuuqay wali la raad-goobayo, nidaamka Dawladnimo ee caalamku taageero ee dhowr iyo tobankii sannadood ee u dambeeyey fadhigiisu ahaa muqdisho, waxa uu mar kale xoqayaa xaalad colaaddeed iyo inay xinjiro dhiig ku daadtaan soomaali dhexdeeda (Somaliland iyo Soomaliya).

Waa hubaal, saansaanteedu ay muuqato in Soomaaliya ay duullaan iyo xasarad ka dhan ah Somaliland ay ku bixinayso sicir ka qaalisan midka ay ku bixin karto nabad iyo deris wanaaag, sababtuna waxa weeye in aanay marnaba ogolayn madaxbanaanida Qaranka isku-tashaday ee waliba ka tanaasulay in wixii loo geystay uu gacantiisa ku kasbado.

Inkasta oo tobankii sannadood ee la soo dhaafay ay socdeen wadahadallo aan wali meel cad saldhigan oo u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaasoo ay dalal kamida adduunku dhexdhexaadintooda qayb ka ahaayeen, haddana waxa iska cad oo aan mugdi ku jirin in wada-xaajoodyada iyo waan-waanta nabaddeed toona aanay ahmiyad weyn siinin hogaamiyeyaasha dalkaasi, balse uu qorshahoodu yahay inay caalamka u muujiyaan weji-wanaagsan, si aanay u lumin taageerada dhaqaale ee la siiyo, taas bedelkeeda himilladoodu tahay in dadka reer Somaliland la fur-furo, in wadamada deriska lagaga soo abaabulo khilaaf iyo inay ugu dambeyn marka ay waxoogaa Ciidamo ah oo ku filan yeeshaan gulufka abuuraan.

Sidaasoo ay yahay Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo fiiro dheer u leh shirqoollada muuqda iyo kuwa qarsoon ee Soomaaliya maleegayso, dareensanna inay xataa taageerada caalamka ee Muqdisho la siiyaa qayb ka tahay korinta cadaawada ka dhanka ah dalkeeda, deddaalna ugu jirta inay weji kasta kula macaamisho dawlad ku sheegta Xamar, waxa ay dawladdaha adduunka ee daneeya nabad-gelyada iyo xasiloonida gobolka geeska Afrika ka sugaysaa inay damaanad buuxda  ka bixiyaan xaqiiqooyin is-diiddan ee dhex yaalla Qarankeeda iyo maamulka ka maqaar-saarka ah ee Soomaaliya ee loo dhisayo Ciidamada xooggan, isaga oo aan wada maamulin Magaalada Muqdisho. Waxaanay ku khasbantahay in aanay sidaas ku sii eeggan dhismaha Cadawgeeda.

Sidaas awgeed, Haddii aanay dawladdaha gobolka, dunida Carabta iyo Wadamada kale ee Maraykanka iyo Midawga Yurub, si dhab ah ugu dhug u yeellan qaddiyada gaamurtay ee Somaliland, isla markaana aanay deddaal xooggan gelin sidii loo baajin lahaa isku-dhac ku yimaada damaca Soomaaliya, waxa muran la’aan ah in meerto aan fogayn lagu daalli doono daminta colaad u qaraxda si lama filaan ah.

 

Leave a Reply